Dad u afduuban burcad-badeed Soomaali ah oo lasiideynayo in wadahadal hoose oo socda

0
36

Warar soo baxaya ayaa sheegay in ay socdaan Wada-xaajoodyo hoose oo lagu doonayo in lagu sii daayo 23 badmaaxiin kasoo jeeda dalka Bangladesh, kuwaa oo afduub ahaan loogu haysto xeebaha Soomaaliya.

Maamulka shirkadda SR Shipping Limited ee leh markabka MV Abdullahi ayaa rajo ka muujiyey wada-xaajood ay la leeyihiin burcad-baddeeda Soomaalida ee afduubka ku haysta Markabka MV Abdullah iyo badmaaxiinta la socota.

Milkiilayaasha waxay u sheegeen suxufiyiinta in horumar laga gaaray Wada-xaajoodkaasi, balse aan la filaynin in badmaaxiinta dib ugu soo laabtaan dalkooda hooyo ee Bangaladesh ka hor ciiddul Fitriga

Mizanul Islam oo lataliye dhanka warbaahinta u ah shirkadda leh markabka MV Abdullahi oo la hadlay wargeyska Bangla Tribune ayaa tilmaamay in kulanka ay la leeyihiin burcad-baddeeda uu yahay mid miro-dhal ah.

Sidoo kale, qoysaska badmaaxiinta Afduubka loo haysto ayaa quudaraynayo sidii ay raggaasi u soo laaban lahaayeen ka hor ciiddul Fitriga, si ay ula wadaagaan farxada si wadajir ah.

23-ka badmaax ee u dhashay dalka Bangladesh waxaa markabkooda MV Abdullahi laga qafaashay xeebaha Soomaaliya bishii la soo dhaafay ee March 4-dii, xilli uu markabku ku sii jeeday dekedda Al Hamriyah Port ee dalka Imaaraadka Carabta.

Markabkaasi oo waday rar shixnad dhuxul oo dhan 58,000 oo tan oo uu kasoo qaaday dekedda caasimadda dalka Mozambique ee Maputo, waxa uu qorshuhu ahaa inuu dekedda Al Hamriyah ku xirto bishii la soo dhaafay 19-dii.