“Wixii ii Qoran Ma Gefayo“ Fanaanka Caanka Ah Ee Salman Khan Oo Shaaciyay In Dil Loogu Hanjabay

0
468

“Wixii ii Qoran Ma Gefayo“ Fanaanka Caanka Ah Ee Salman Khan Oo Shaaciyay In Dil Loogu Hanjabay

Salman Khan ayaa qirtay inay soo gaareen hanjabaado dil ah, xilli uu wareysi siinayay warbaahin maxalli ah oo ku taalla Hindiya.

Wuxuu jilaagan caanka ah sheegay inuu isku dayayo inuu u hoggaansamo dhammaanba awaamiirta booliiska, wuxuuse intaa ku daray in ‘wax walboo dhici lahaa, ay dhici doonaan’.

Mar wax laga weydiiyay in ‘libaaxa keymaha’ haatan lagu qafilay shabaq, Salman Khan intuu qoslay ayuu yiri, “Haa mudane, inaan waddada baaskiil ku wato, meel walba aan keligey aado, taasi maahan suurtogal maaha,”

Salman Khan ayaa intaa raaciyay, “Waxaan sameynayaa wax walba oo la igu amray inaan sameeyo.” Aad ayaan u digtoonahay.

Sida uu sheegay, meel walba oo uu aadayo jilaagan, wuxuu adkeeyaa ammaankiisa.

Jilaaga ayaa muddooyinkii dambe waxaa soo gaarayay hanjabaado dil ah. Dhowaan ayay ahayd markii booliiska ee magaalada Mumbai ee dalka Hindiya ay xireen qof la sheegay inuu dil ugu hanjabay Salman.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here