Aamir Khan oo Kareena Kapoor ku khasbay arrin aysan waligeed samayn

0
796

Aamir Khan oo Kareena Kapoor ku khasbay arrin aysan waligeed samayn

Tan iyo markii ay atariisho noqotay, Kareena Kapoor waligeed looma dirin imtixaanka qaabka loo jilayo filim.

Waxaa lagu tilmaamaa in ay ka mid tahay jilayaasha hibada u leh xirfaddan, waxayna kasoo jeeddaa qoys jileyaal ah, halka walaasheed ka wayn ay tahay xiddigta lagu magacaabo Karisma Kapoor.

Laakiin markii ugu horraysay waxay imtixaan culus u gashay filimka ay hadda ku howlan tahay ee “Laal Singh Chaddha” oo la filayo in uu soo baxo 11-ka bishan August.

Jilaaga Bollywood-ka ee Aamir Khan, oo filimkan ku matalaya atooraha hoggaanka ah, ayaa ku khasbay Kareena in ay imtixaan marto, si loo xaqiijiyo in ay kasoo bixi karto doorta atariishada.

Aamir oo horay horay isula soo shaqeeyeen Kareena ayay ujeeddadiisa ahayd in uu hubiyo qof kasta oo soo galaya filimkiisa.

Kareena iyo Aamir ayaa mar kale jilitaan wadajir ah sameeyay kaddib toban sano oo ay kala maqnaayeen.

“Aamir kama mid aha xiddigaha aaminsan in haddii aan filimka ku jiro ay micnaheedu tahay inaan sameeyo filimka,” ayay tiri.

Waxay intaas ku artay in Aamir Khan ay ka go’an tahay in uu wax walba oo sax ah u sameeyo si loo xaqiijiyo in filimka Laal Singh Chaddha uu noqdo mid laga daba dhaco.

Warqado qoraalka sheekada filimka ah oo lagu aqrinayo ilaa afar saacadood ayuu Aamir u dhiibay Kareena, si uu ugu imtixaano.

Waxaa kale oo uu xaqiijinayay in atariishadan ay kasoo bixi karto doorka haweeney da’ dhexaad ah iyo inkale.

Markii ay shuruudahaas oo dhan kasoo gudubtay kaddib ayuu u oggolaaday inay qayb ka noqoto filimka.

Hase yeeshee Kareena waxa ay ka mahad celisay in Aamir uu aad u garab istaagay markii ay uur yeelatay muddadii ay socotay duubista filimka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here