Maxaa Sababa Dhadhanka Afka Oo Qaraar Noqda?

0
212

Maxaa Sababa Dhadhanka Afka Oo Qaraar Noqda?

Ma isku aragtay afkaaga oo yeeshay dhadhan qaraar oo aan tageyn? Tani waxa ay kugu beeri kartaa walaac iyo inaad isweydiiso sababta keenaysa cilladaan. Hadaba qormadan waxaan ku soo gudinaynaa sababaha keeni kara dhadhanka afka oo xumaada.

Maxaa keena dhadhanka afka oo qaraar noqda?
Nadaafad darro afka ah:
Tani waxa ay ka mid tahay sababaha ugu badan ee keena in dhadhanka afku uu xumaado. Nadaafadda afka oo la dayaco waxay sababtaa inay afka ku uruuraan bakteeriyada, huurada iyo haraadiga cunnada. 2 goor oo la cadaysado maaliintii, isticmaalka dunta lagu findhicisho iyo dawada afka lagu luqluqdo ayaa lagula dagaallaami bakteeriyada afka iyo huurada.

Af qalleylka:
Marka afkaagu uusan soo saarin calyo ku filan waxa ay sababi kartaa in dhadhanku uu xumaado. Cilladaan waxaa loo yaqaannaa “xerostomia”, waxaana keena dawooyinka, fuuqbaxa iyo xanuunnada qaar. Dawooyinka qaar sida kuwa loo adeegsado caburka, xajiinta, kaadi badiska iyo niyad jabka wax ay yareyn karaan calyada. Calyadu waxay nadiifisaa haraadiga cunnada iyo aashitada ay bakteeriyada soo deyso, arintaan ayaa ka caawisa qofka sidi looga hortagi lahaa tarmidda bagteeriyada sababi karta dulaan horseedo cudurro. Cabbista biyaha oo la badsado ayaa ka kaxeyn kara af-qalleylka.

Laab jeexa:
Laab jeexu wuxuu keenaa in aashitada calooshu ay ku soo rogmato hunguriga taas oo keenta in dhadhanka afku u qaraaraado. Istimaalka barkin dheer marka la seexanayo, cunnooyinka caafimaadka leh oo joogteeyo iyo ka fogaanshaha cunnooyinka kiciya sida kafeega, soodhada, basbaaska, shukulaatada ayaa lagu yareyn karaa astaamaha laab jeexa.