Soomaalida Ku Sugan Jarmalka Oo La Shaaciyay Gobollada Ugu Badan Ee Soomaaliya Ee Ay Ka Kala Yimaadeen

0
41

Sida lagu daabacay bar ay wax ku baahiyaan Soomaalida kunool dalka Jarmalka, dowladda dalkaasi ayaa shaacisay gobollada ay u badanyihiin ama ka kala yimaadaan Soomaalida ku nool Jarmalka.

Soomaalida dalkan 2016-2020 degnayd iyo gobollada ay ku kala dhasheen ama ka kala yimaadeen. (Sida ay dowladda Jarmalka qortay).

– Banaadir inay ku dhasheen waxaa sheegtay 39.5%

– Koonfur Galbeedna 23.5%

– Jubbaland 16.4%

– Hirshabeelle 10.8%

– Somaliland 4.4%

– Galmudug 2.8%

– Puntland 2%

– Mudug oo markale ay gooni u qoreenna 0.8%

Tiro ahaan haddii loo bedelo sidaan ayay dowladda qortay, ayadoo tirooyinka soo koobaysa.

– Banaadir waxaa ku dhashay 9,900 qof

– Koonfur Galbeed waxaa ku dhashay 5,900 qof

– Jubbaland 4,100 qof

– Hirshabeelle 2,700 qof

– Somaliland 1,100 qof

– Galmudug 700 qof

– Puntland 500 qof

– Mudug Gm (oo ay sidaa u qoreen) 200 oo qof