Shan arrimood oo kaa caawinaya inaad ku guuleysato hadafkaaga sanadka cusub

0
237

Shan arrimood oo kaa caawinaya inaad ku guuleysato hadafkaaga sanadka cusub

Dabcan sanadkan wuxuu kuu ahaa mid watay guulo, caqabado, khaladaad aad sameysay, dhacdooyin ku farxad geliyay isla markaana horumariyay xirfaddaada, iyo waxyaabo aan ku farxad gelin intaba…kuwani waa wax caadi ah oo ay tahay inaysan marnaba ku niyad-jebin.

Qor waxyaabaha aad ku guuleysatay iyo kuwa aadan ku guuleysan intaba, si aad ugu adeegsato sanadka cusub.

Dooro waxyaabaha ay tahay inaad muhiimad siiso aadna ku darto qorshooyinkaaga sanadka cusub.

Waa maxay waxyaabaha aad qorsheyneyso sanadka cusub?

Kala ogow meelaha aad horumar ka gaartay iyo meelaha aadan ka gaarin.

1: Kala saar qorshooyinkaaga xirfadeed iyo kuwa shakhsiga ah

Hadafkaaga xirafadeed waa inuu ka duwanaadaa tan shakhsiyadeed, inkastoo ay mararka qaar is soo hoos galayaan. Haddii aad isku dhex darto waxaa laga yaabaa inaadan guulo badan ka gaarin.

Si gaar ah, mid walba ugu samee qorshe aad hiigsaneyso.

2: U diyaarso qorshe sanadka cusub

Ka feker hadafyada aad dooneyso inaad ku guuleysato marka la gaaro 31-kaDecember, sanadka soo socda. Kaddib, qorshee tallaabooyinka aad u baahan tahay inaad qaaddo si aad u gaarto hadafyadaas.

Qor howlaha muhiimka ah amaba waxyaabaha aad is leedahay way kaa caawinayaan inaad gaarto hadafkaaga.

Sidoo kale, u toog hay caqabadaha aad is leedahay way ku imaan karaan hadafyadaada. Haddii sanadkan uu cashar ina baray, waa inaan ku saleynaa sanadka cusub, si aan tusaale uga dhiganno.

Haddii ay kuu socon waayaan amaba caqabad ay kaa hor timaaddo, waxaad sameysataa qorshe labaad oo kuu beddeli karto waxyaabaha aad sameysay.

3: Sameyso liis aad ku qorto waxyaabo aadan sameyn doonin

Marka aad sameysato liis aad ku qortay waxyaabaha kuu qorsheysan, waxaad sidoo kale sameysaa liiska waxyaabaha aadan sameyn doonin ee kaa hor istaaga inaad gaarto hadafyadaada.

Inaad garato waxyaabahaas caqabadda kugu ah waxay kuu suurto gelineysaa inaad wax qabad badan u lahaato hirgelinta hadafyadaada sanadka.

4: Waqti u samee naftaada

Sameyso waqti u gaar ah naftaada. Haddii aad fasax aadeyso sii qorshee xilli hore. Hadduu aad dareemeyso inaad u baahan tahay inaad meel aaddo, sii qorsheyso adigoo meel u dhiganaya dhammaanba kharashka aad u baahan tahay inaad fasaxa ku aaddo.

Daalka iyo walaahowga laga qaado inaad shaqada uun ku mashquusho adiga oo aan nasan uma fiicna caafimaadkaaga, inaad muddo dheer shaqeyso adigoon nasanna ma kordhineyso awoodda aad u leedahay inaad si fiicna u shaqeyso si aad ugu guuleysato hadafyadaada.

Waa muhiim inaad si dhab ah uga fekerto caafimaadka jireed iyo kan maskaxeed, marka aad qorsheyneyso hadafyadaada sanadka cusub.

5: Sameyso mashaariic kale amaba waxqabadyo kale oo aad lacag ku sameyneyso

Waxaad ka fekertaa waxyaabaha aad jeceshahay inaad sameyso, una adeegso kuwo aad lacag ka sameyn karto si aad u kordhiso dakhligaaga.

Hirgelinta hadafkan, wuxuu kaa caawinayaa inaad ku shaqeyso xirfad cusub oo aad taqaano, kuwaasoo haddii aadan adeegsan kaa lumi lahaa.

Ugu dambeyn, noqo qof dulqaad badan kuna raaxeysta wax waba oo uu ka barto nolosha.

Isha: BBC