Ra’iisul Wasaarihii Dalka Pakistan Oo Lumiyey Codkii Kalsoonida Iyo Sababta Keentay

0
970

Ra’iisul Wasaarihii Dalka Pakistan Oo Lumiyey Codkii Kalsoonida Iyo Sababta Keentay

Ra’iisal Wasaaraha Pakistan Cimran Khan ayaa lumiyey codka kalsoonida kaddib marki Baarlamaanka dalkaas aqlabiyaddiisii ka codaysay hoggaamintiisa.

Arrintan ayaa timi kaddib markii ay mooshin ka dhan ah Cimran khan ay soo dhigeen xisbiyada mucaaradka.

Baarlamaanka dalkaas ayaa looga fadhiyaa in ay maalmaha soo aaddan Ra’isal Wasaare cusub degdeg u soo magacabaan.

Waxayna Isniinta yeelanayaan kulan degdeg ah si ay u doortaan Ra’isal Wasaarihi baddali lahaa Cimraan Khaan oo codka kalsoonida ka waayey baarlamaanka.

Dadka falanqeeya siyaasadda Pakistan waxay sheegeen shaqsiga badali karo Cimraan Khaan inuu ka imanayo hoggaamiyaha xisbiga Mucaaradka, uuna noqon karo Shehbaz Shariif oo ay walaalo yihiin Ra’isal wasaarihi hore ee dalkaas Newaz Shariif.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here