Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka oo la wareegay garoonka diyaaradaha Xudeyda

0
2106

Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka oo la wareegay garoonka diyaaradaha Xudeyda

Xulafada Sacuudiga iyo Imaaraadka oo ay wehliyaan ciidamada dowladda Yemen ayaa la wareegay garoonka diyaaradaha Xudeyda, kaddib maalmo dagaalo qaraar oo ka socday daafaha magaalada.

Saraakiisha Milateriga Yemen ayaa sheegaya in Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka ay gudaha u galeen garoonka diyaaradaha, kaddib markii weerar xooggan ku qaadeen.

 

 

Dagaalka ka socda Xudeyda ayaa ah kii ugu xoogganaa ee saddexdii sano ee u dambeeyay ee uu socdo dagaalka Yemen.

 

Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa qorsheynaya inay la wareegaan Dekeda iyo Air Porka Xudeyda oo ah meel istiraatiiji ah.

 

 

Maleeshiyada Xuutiyiinta ayaa adeegsanaya hubka culus ee Artileyriga, waxaana la sheegay in Isniintii ay soo rideen Diyaarad Helicopter ah oo uu Sacuudiga lahaa.

 

 

Diyaaradaha dagaalka Xulafada Sacuudiga ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay duqeymo ka waday qeybo ka mid ah dalka Yemen.

 

 

Xuutiyiinta ayaa dhabar jab ku ah, haddii laga saaro magaalada Xudeyda oo ah magaalo Deked leh, muhiimna u ah Xuutiyiinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here