Dibadbaxa ka dhanka ah Netanyahu oo sii kordhay

0
39

Deegaanno katirsan dhulka Israaiil ay xoogga ku haysato waxaa kusii kordhaya dibadbaxyada ka dhanka ah Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu iyaga oo dadkaas ku diidan in furin cusub uu ka furo dhinaca Magaalada Rafax.

Dibadbaxayaasha ayaa ku dhawaaqaya ereyo ka dhan ah ‘Benjamin Netanyahu’ iyaga oo ku tilmamay in uu yahay dagaal oogge dirirta is daba-joogga ah uga gambanaya sharciga iyo waaranka maxkamadda ee musuqa ku haysto.

Qaar kamid ah Dadka Dibadbaxyada dhigaya ayaa sheegay in Netanyahu uu ku fashilmay soo furashada maxaabiista ehelkooda ah ee xiran kuwaas oo gacanta Xamaas laga soo dayn waayay weerar weliba oo Yuhuudda iyo xulufadeeda ay qaadaan.

Benjamin Netanyahu ayaa ku adkaysanaya in ciidamadiisa ay weerar toos ah iyo duqayn ka fulinayaan Magaalada Rafax waana tan keentay in dhinaca Qaan-Yuunis laga wareejiyay ciidankii Yuhuudda ahaa ee joogay si ay Dadkaan halkaas ugu baxsadaan.

La soco wixii kasoo kordha