Ingiriiska oo cunaqabatayn kusoo rogay Afhayeenka Baarlamaanka Uganda & Xildhibaanno Musuq ay wada sameeyeen

0
45

Waaxda Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Ingiriiska ayaa ku dhawaaqday in cunaqabatayn lagu soo rogay Haweeneyda Afhayeenka u ah Baarlamaanka Dalka Uganda Anita Among & labo Xildhibaan oo ku eedaysan in ay musuq ku dhaqaaqeen.

War kasoo baxay Dowladda Ingiriiska ee lagu shaaciyay Go’aankaan ayaa lagu sheegay in xubnahaan ay ku lug leeyihiin musuqmaasuq lagu sameeyay dhaqaalaha Baarlamaanka Uganda ee Dowladdaas siiso sida hadalka loo dhigo.

Waxyaabaha laga xayiray waxaa kamid ah safarka iyo hantidada dibadda u taalla gaar ahaan Dalka Ingiriiska balse lama shaacin waqti gaar ah oo lagu xadiday muddada ay arrintaan taagnaanayso sida ay Dowladda Ingiriiska ku doodday.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Britain ayaa lagu muujiyay in labo Wasiir ooh ore oo lagu kala magacaabo Mary Goretti Kitutu iyo Agnes Nandutu oo haatan ah Xildhibaanno ayaa loo haystaa Musuq ama wax is daba-marin.

Waxaa si gaar ah loogu eedeeyay in ay iibsadeen iyaga oo xatooyo ku sameeyo lamayeeri loogu talagalay bulshooyinka saboolka ah ee ku nool Gobolka Karamoja taasi oo in muddo ah dacwaddeeda bannaanka taallay.

War kooban oo kasoo baxay afhayeenka Baarlamaanka Dalka Uganda Anita Among ayaa looga bariyeelay dhammaan eedaha loo jeediyay oo haddii caddayn dhammaystiran lagu sameeyo fadeexo wayn ku noqon doonta.