Soonka iyo jimicsiga: Ilaa heer intee ayaad jirdhis sameyn kartaa adoo soomman?

0
79

Soonka iyo jimicsiga: Ilaa heer intee ayaad jirdhis sameyn kartaa adoo soomman?

Inaad joogteyso jimicsiga caadiga ah inta lagu guda jiro Ramadaanka ma ahan wax fudud, gaar ahaanna marka la eego hurdada iyo cabidda biyaha oo nagu yar.

Si kastaba, inaad waqti u hesho jimicsiga inta lagu jiro bishan barakeysan keliya kaama dhigeyso qof caafimaadkiisu sarreeyo, balse waxay xitaa sidoo kale sare u qaadi kartaa tamartaada, caawinta dheef-shiidka iyo maskaxdaada oo si fiican u shaqeysa.

Muddadan 30-ka maalmood ah ayaa laga yaabaa in jimicsigu uu caqabad kugu noqdo, aadna ku fekerto inaad joojiso hadafkaaga jirdhiska, balse waxay khubarrada jimicsiga kuu hayaan talooyin kaa caawin kara inaad isku waddo labadaba.

Inaad maalintii oo dhan waxba cunin, waxna aadan cabin ayaa laga yaabaa inay jirka ku keento tabaryari. Dadka qaar ayaa jimicsiga u sameeya sidoodii hore, amaba si xad-dhaaf ah taasoo laga yaabo inay saameyn caafimaad ku yeelato.

Marka jimicsiga lagu sameeyo jiimka laga hadlayo, dadka ayaa leh hadafyo kala duwan.

“Dadka qaar waxay doonayaan inay miisaanka iska dhimaan, halka qaar kalena ay jirdhis doonayaan iyo inay murqahooda dhisaan,” ayuu yiri Cabaas Cali oo ah macallin jiim iyo khabiir jirdhiska ah oo ku nool magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Wuxuu kula talinayaa dadka doonaya inay miisaanka dhimaan, in inta lagu guda jiro Ramadaanka ay tahay xilliga ugu wanaagsan.

“Cunnada waa waxa ugu muhiimsan ee qofku miisaanku ku dhimi karo. Waa in qofku helaa cunno isku dheelli-tiran oo nafaqadu ku badan tahay, ayna ku yar tahay karbohaydaraytka.”

Dadka jirdhiska doonaya ayuu sidoo kale Cabaas sheegay inay ku dadaali karaan joogteynta jirdhiskooda.

Macallin Cabaas ayaa sheegay in maaddaama qofka marka uu soomman yahay uusan jirkiisu tabar lahayn, ay jiraan waqtiyo uu u beddelan karo jirdhiska.

“Qofka xilliga uu afuran yahay sida habeenkii ayaa fiican inuu jirdhis sameeyo. Haddii qofku miisaanka iska dhimayana way ku adag tahay sidoo kale isagoo soomman inuu jimicsi sameeyo, waxaa ku habboon xilliyada 9pm wixii ka dambeeyo, isagoo isticmaalaya tamartii uu ku afuray,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in qofka buuran ee doonaya inuu jirdhis sameeyo ay u fiican tahay inuu jimicsi sameeyo xilliga ka horreeya afurka.

“Waxaa u fiican xilliga galab gaabkii ama labada saac ee ugu dambeysa. Sababtoo ah qofka maanta dhan wuu soomman yahay, cuntadii jirkiisa u jirtay way ka soo dhammaatay waxa keliya ee tamar ahaan uu u isticmaali karana waa baruurta jirka ku jirta,” ayuu yiri Cabaas.

Isha: BBC SOMALI