Eritrea oo markii u horeysay Ergo u direysa Addis Ababa

0
2361

Eritrea oo markii u horeysay Ergo u direysa Addis Ababa

Dowladda Eritrea ayaa ergo u direysa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, si ay u bilaabaan wada hadaladii lagu dhaqan gelin lahaa heshiiskii Nabadda ee lagu soo afjaray colaada labada dal.

 

Madaxweynaha Eritrea Isias Afwerk ayaa munaasabadda maalinta shuhadada dalkiisa ka sheegay in ergo u dirayaan Addis Ababa, si loo ambaqaado horumarka iyo mustaqbalka cusub ee uu galay Gobolka.

 

 

Waxaa uu soo dhoweeyay is bedeladii ka dhacay Itoobiya iyo dhawaaqa ka soo yeeray maamulka cusub ee talada la wareegay.

 

 

 

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa dhowaan ogolaaday in Eritrea ay leedahay deegaanka lagu muransan yahay ee Badme, waxaa uu aqbalay go’aamadii ka soo baxay Guddigii xadeynta ee sanadkii 2002-dii, kaasoo ahaa in Eritrea ay leedahay dhulka lagu muransan yahay.

 

 

Sanadihii 1998 illaa 200 ayaa waxaa Eritrea iyo Itoobiya dhex maray dagaalo qaraar oo ay ku dhintay tobanaan kun oo ruux.

 

 

Heshiis nabadeed oo lagu saxiixay dalka Algeria sanadkii 2000 ayaa la xal looga gaaray dagaalkii labada dal u dhaxeeyay, inkastoo xiisada labada dal ee dhulka lagu muransanaa uu taagnaa, hadana ma jirin wax isu soo dhowaansho oo labada dal muujiyeen markii heshiiskii nabadda la saxiixay, waxaana dowladda Itoobiya ay qaadacday go’aamadii Guddiga xadeynta ay u xukmiyeen in dhulkaas ay leedahay Eritrea.

 

 

 

Eritrea ayaa Itoobiya ka xorowday 1993-dii kaddib afti la qaaday, iyadoo xilligaas ay Eritrea si rasmi uga go’day dalka Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here