Maaraynta Laab Jeexa, ama Laab Ololka

0
163

Maaraynta Laab Jeexa, ama laab ololka

Ma dareentaa laabjeex? Haday jawaabtaadu haa tahay, waxa ugu muhiimsan ee lagaa rabo inaad sameesid waa inaad isbadal ku samaysid waxa aad cunaysid iyo hab nololeedkaaga.

Dib u habeyn ku samee waxa aad cuneysay

Dooro oo cun cuntooyinka dufanku ku yaryahay. Tusaale ahaan hilibka digaaga wuxuu leeyahay maqaar dusha sare kaga dahaaran oo dufan badan u yeelaya cad kasta oo aad cunaysid. Intaadan karin kahor ka reeb maqaarkaas kadibna karso.

Cun cuntooyin fudud dhawr jeer maalinkii halkii aad ka cuni lahayd labo ama sadix cunto oo cul culus. Mar walba cuntooyinka fudud ayaa caloosha u wanaagsan.

Xakamee naftaada: jooji cunista intaadan saaid u dhargin. Dharagta badan waxay caloosha ka dhigtaa mid mashquul ah, taasoo caloosha ku khasbaysa in lasoo daayo aashito badan si loo dheefshiido cuntada.

Aqoonso oo ka fogoow cunnooyinka kiciya laab jeexa

Aqoonso kana fogoow cuntooyinka iyo sharaabka ama cabitaannada mar walba kugu kiciya laab-jeexa.

Cuntooyinka ama cabitaanadan ayaa kamid ah kuwa badanaa dadka ku kiciya laab-jeexa.

Qaxwaha ama shaaha
Waxyaalaha aashitada leh sida sharaabka loo yaqaan soodhada
Qamriga
Waxyaalaha dhan dhanaanka leh, sida, Liin macaanta iyo Liin dhanaanta
Cuntooyinka ka kooban tamaadhada ama yaanyada, sida, maraqa tanaadhada oo kale
Shakulaatada
Cuntooyinka ay ku badan yihiin baruurta iyo basbaaska
Toonta iyo basasha
Samee qodobadaan marka aad seexaneysid
Hadii aad la il daran tahay laab jeex ha u malayn in cuntada iyo sharaabka aad cabtid oo aad saxdid kaliya ay kaaga filan tahay dagaalka aad kula jirta laab-jeexa. Hurdada ayaa ayaduna ah qodob muhiim ah oo u baahan in la saxo.

Isticmaal barkin dheer markaad seexanaysid: Barkin dheer oo aad isticmaashid waxay kaa caawinaysaa in wixii kujiray calooshaada aysan usoo dhaadhicin hungiriga. Balse barkinta aad isticmaalaysid waa inaysan aad u dheerayn si aan cadaadis badan caloosha u fuulin.

Jooji cunitaanka labo saac ama sadix saac kahor intaadan seexan.

Xidho dhar aan kugu dhaganeyn

Hadii aad tahay dhibane daris la ah laab jeex. Ha xidhan dhar kugu dhagan. Dharka kugu dhagan waxay cadaadis badan saarayaan calooshaada taasoo caloosha wixii ku jiray kor usoo qaadaysa ilaa hunguriga. Sidoo kale hadaad cayilan tayay waxaa kugula talinaynaa inaad cayilka iska yaraysid.

Jooji sigaarka. Waxaa la xaqiijiyay in sigaarku kamid yahay waxyaalaha dadka ku kiciya laab-jeexa. Sido kale sigaarku wuxuu ka qayb qaataa in calooshu soo dayso aashito badan. Kafakar khasaarada uu kugu hayo sigaarku, is waydii ma u qalmaa in naftaada aad khatar u galisid sigaar?

 

SRC: Daryeel Mgz