Muxuu Yahay Filimka Salman Khan Ee Khatarta Dhaqaale Keeni Kara Hadduu Soo Baxo?

0
1588

Muxuu Yahay Filimka Salman Khan Ee Khatarta Dhaqaale Keeni Kara Hadduu Soo Baxo?

Milkiileyaasha tiyaatarrada ee dalka Hindiya ayaa rajo ka qabay in dib loo furo shaleemooyinka si daawadeyaasha loogu fasaxo filimada xiisaha badan ee in muddo ah la sugayay, laakiin wax walba waxay isbaddaleen markii uu dib usoo labokacleeyay cudurka Covid-19.

Dhammaan filimadii la qorsheynayay in ay soo baxaan ayaa dib loo dhigay sababo la xiriira mowjadda labaad ee fayraska marka laga reebo hal filim oo uu leeyahay xiddigga Bollywood-ka Salman Khan.

Filimkan oo lagu magacaabo “Radhe Your Most Wanted Bhai” ayaa la sii deyn doonaa iyadoo aan lagu xireynin saameynta cudurka safmarka ah, waana filimka kaliya ee go’aankaas raacay.

Hase yeeshee, dadka falanqeeya arrimaha dhaqaalaha iyo filimada ayaa ka digaya qaabka la shaaciyay inuu kusoo baxayo filimka Radhe

Soo saareyaasha filimka Radhe ayaa damacsan in ay labo qaab u sii daayaan, iyagoo isku mar ku fasaxaya tiyaatarrada iyo waliba baraha dhinaca internet-ka. Taas ayaa ka dhigan in filimka uu mar qura diyaar ku noqonayo shaleemooyinka iyo internet-ka qof walbana uu kala dooran karo halka uu ka daawanayo

Arrintan ayay khubarada ku qeexeen khatar dhaqaale oo soo food saareysa shaleemooyinka. “Waa tallaabo aad u xun. Waxay niyad jab ku noqoneysaa shaleemooyinka laga daawado shaashadaha waaweyn. Tiyaatarrada ayaa ah meesha lagu barto oo soo saarta xiddigaha filimada sidoo kalena taageerayaasha dhabta ah ay joogaan,” ayuu yidhi Girish Wankhede oo ka mid ah falanqeeyayaasha arrimaha filimada.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas raaciyay: “Way iska caddahay in qof walba uu door bidayo qaabka uu Rs 500 ku bixin karo kaddibna filimka gurigiisa uga daawan karo isagoo la jooga dhammaan qoyska, halka shaleemooyinkana ay waayi doonaan cid timaada xilligan uu cudurka safmarka ah socdo, runtii khatar dhaqaale ayay keeneysaa taasi. Waxay caddaalad darro ku noqoneysaa taageerayaasha jecel inay shaashadaha waawyn daawadaan.”

Markii hore waxaa laga cabsi qabay in filimka Radhe ay isku dhacaan filim uu soo wado atooraha Bollywood-ka ee lagu magacaabo John Abraham. Laakiin filimkaas oo la yiraahdo Satyamev Jayate 2 – oo isla taariikhda Radhe ku aaddanaa – ayaa dib loo dhigay markii uu cirka isku shareeyay cudurka corona.

Soo saareyaasha ayaa ku adkeysanaya in ay helaan waddo uu filimkan dhaqaale ku sameyn karo halkii la hakin lahaa oo lala sugi lahaa ilaa waqtiga ay dib shaleemooyinka uga howl galayaan si buuxda.

Halkan filim ayaa aad looga cabsi qabaa inuu horseedo hoos u dhac dhaqaale oo soo food saara ganacsiga shirkadda Bollywood-ka, iyadoo ay suuragal tahay in filimo kale ay ku daydaan.

Dhowr falanqeeye oo uu ka mid yahay Sumit Kadel ayaa aaminsan in ugu yaraan shan ilaa siddeed filim oo Bollywood ah ay raadkaas raaci doonaan ayna ku adkeysan doonaan in hal mar laga sii daayo tiyaatarrada iyo Internet-ka. Dhammaantood ayuu sheegay in ay ku dhawaaqistooda kusoo aadi karaan isbuuca ugu horreeya ee bishan May oo haddaba aan ku guda jirno.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here