Nin Turki ah oo Gurigiisa u iibiyay si uu u caawiyo Shacabka Falastiin.

0
39

Nin Turki ah oo qariyay magaciisa, xogtiisa iyo halka uu sida gaarka ah uga degen yahay Dalkaas ayaa gurigiisa iibiyay si loo gaarsiiyo Shacabka ay barakiciyeen Ciidanka Yuhuudda ee aanay haysan goobo ay gabbaad uga dhigtaan qabowga habeenkii iyo kuleelka maalintii.

Waxa uu iibiyay hal guri oo qoyskiisa degenaayeen kaddib markii uu arkay xaaladda adag ay ku nool yihiin Shacabka Falastiin, guri ayuu u kireeyay si reerkiisa u dejiyo maadaama gurigii hoyga u ahaa uu iibiyay Ninkaan.

Markii uu lacagta gacanta ku dhigay waxa uu iibiyay Teendhooyin gaaraya 150 Xabo oo ah kuwa casriga ah ee awooda in ay dadka ku nool ka difaacaan qabowga iyo kuleelka si ay uga faaiidaystaan Shacabka xaaladda adag ku sugan.

Intaas kuma hakan ee waxa uu alle ka baryay in kaalmada uu diray ay si degdeg ah u gaarto Dadka Falastiin ee baahida gaarka ah qaba waxaana uu alle u aqbalay ducadiisa oo teendhooyinkii waxa ay kamid noqdeen kuwa si degdeg ah u gudbay.

Shacabkii loo qaybiyay waxa ay labo kamid ah Teendhooyinkaan ka dhigeen Dugsi lagu barto qur’aanka kariimka oo Wiilal iyo Gabdho loo kala saaray iyaga oo durba billaabay in ay is waydiiyaan cidda ku gacansiiyay teendhooyinkaas.

Ninkii Turkiga ahaa ee qariyay magaciisa iyo xogtiisa ayaa lala wadaagay balse waxa ay ula baxeen magaca Saxaabiga caanka ah ee Abuu Dalxuux oo xiligii Nabi Muxamed NNKH Geed timir ah u iibiyay qoys u baahnaa.