Doorashada Guddoonka Aqalka Sare Oo Goordhaw Billaaban Doonta

0
340

Doorashada Guddoonka Aqalka Sare Oo Goordhaw Billaaban Doonta

Waxaa goordhaw lagu wadaa in ay si toos ah u billaabato doorashada Guddoonka Aqalka sare ee Baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya.

Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee loogu diyaar garoobayo doorashada ayaa hadda socoto, waxaana hoolka doorashada ku sugan Xildhibaanada oo horay loogu wargaliyay in ay soo xaadiraan si ay u doortaan Guddoonka aqalka sare.

Ammaanka guud ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana Gddoomiyaha Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha  Aqalka Sare Senator Adam Abdinasir  uu horay shaaciyay in maanta ay qabanayaan doorashada, xili  uu kormeer ku sameeynayay Hoolka Doorashada Guddoonka Golaha Aqalka Sare.

Guddoonka aqalka sare ayaa waxaa isku diiwaan galiyay Musharrixiin kala duwan,kuwasi oo dhammaantood doonaya in ay ku guulaystaan hoggaaminta Baarlamaanka 11aad ee Aqalka sare.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here