Maalqabeen Ku Dhashay Afrika Oo Iibsanaya Shirkadda Twitter

0
293

Maalqabeen Ku Dhashay Afrika Oo Iibsanaya Shirkadda Twitter

Guddiga maamula shirkadda Twitter ayaa oggolaaday in bilyaneer Elon Musk uu kula wareego lacag dhan 44 bilyan oo dollar.

Musk oo ku dhashay magaalada Pretoria ee Koonfur Afrika ayaa 14-kii bishan soo bandhigay qorshaha uu kula wareegayo shirkaddaas ka shaqeysa xiriirka bulshada, waxaana uu sheegay inay leedahay “awood ballaaran” oo uu dunida uga faa’iideyn doono.

Waxa uu ku baaqay isbedallo ballaaran oo ay kamid yihiin in meesha laga saaro xayiraadda macluumaadka iyo xiridda cinwaannada been abuurka ah.

Twitter ayaa markii hore diidday qorshaha Musk, balse waxa ay shirkaddu hadda weydiisan doontaa saamileydeeda inay ansixiyaan heshiiska iibka.
Elon Musk ayaa ah ninka ugu taajirsan caalamka, sida ay shaacisay jariiradda Forbes, waxaana hantidiisa lagu qiyaasay 273.6 bilyan oo dollar. Waxa uu leeyahay shirkadda Tesla ee samaysa gawaarida korontada ku shaqeeya iyo shirkadda SpaceX ee sahminta hawada sare.

“Xorriyada hadalku waxa ay gundhig u tahay dimuqraadiyadda shaqeynaysa. Twitter waa faras magaalada dijitaalka ee looga dooddo arrimaha muhiimka u ah mustaqbalka aadanaha,” ayuu Musk ku sheegay qoraal uu ku shaaciyay heshiiska
Twitter ayaa intii muddo ah xoogga saaraysay ka hortagga wararka been abuurka ah ee lagu faafiyo. Sanadkii la soo dhaafay, waxa ay qaadatay go’aankii ugu adkaa, kadib markii ay xayirtay cinwaanka Madaxweynihii hore ee Maraykanka, Donald Trump oo ay ku eedeysay “kicin rabshado.”

Inkastoo ay dad badan soo dhaweeyeen in Musk uu la wareego Twitter, ayaa Trump oo Isniintii la hadlay telefishinka Fox News waxa uu sheegay in aanu ku talo-jirin inuu ku soo laabto shabakaddaas, balse uu xoojin doono tiisa gaarka ah ee Truth.

Ma cadda shakhsiga uu Musk u dhiibi doono maamulka Twitter, maadaama uu sheegay in uusan kalsooni ku qabin kooxda hadda maamusha ee uu hoggaamiyo Parag Agrawal.

Shirkadda Twitter ayaa sanadkii la soo dhaafay waxaa maalintiina isticmaali jiray in ka badan 200 oo milyan oo macaamiil aj, kuwaas oo intooda badan ku nool dibedda Maraykanka.

Hase yeeshee saamiga shirkadda ayaa hoos u dhacay sanadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here