Axmed Karaash Oo Sameeyey Magacaabistii U Horraysay, Tan Iyo Markii Uu Is Sharraxay Siciid Deni

0
397

Axmed Karaash Oo Sameeyey Magacaabistii U Horraysay, Tan Iyo Markii Uu Is Sharraxay Siciid Deni

Kusimaha Madaxweynaha, Ahna Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Puntland  Axmed Cilmi Cusmaan  Karaash ayaa Xil Magacaabis sameeyay tan iyo markii  Madaxweyne Deni uu ku dhawaaqay in uu yahay Musharraxmaadxweyne.

Axmed Karaash ayaa  Magacaabay Guddoomiyaha Gobalka Mudug, Xili madaxweyne Deni  uu Olalahiisauu ku doonayo madaxweynaha Soomaaliya uu ka wado Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Kusimaha Madaxweynaha, Ahna Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa soo saaray Xeer Kusime Madaxweyne Lr. 93, April 24, 2022, kuna saabsan Magacaabid Guddoomiyaha Gobolka Mudug.

Hoos ka akhriso Wareegtada kasoo baxday Xafiiska Axmed Karaash.

Kusimaha Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka dowlad Goboleedka Puntland.

Markuu arkay:- Baahida Shaqo ee Jirta.

Markuu tix geliyey:- Aqoontiisa iyo Waayo-Aragnimadiisa Shaqo.

Wuxuu u Magacaabay:- Faysal Shiikh Cali Maxamed Guddoomiyaha gobolka Mudug.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa marka uu saxiixo Kusimaha Madaxweynaha, Ahna Madaxweyne ku xigeenka Puntland wuuna saxiixay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here