Abiy Ahmed oo ku dhawaaqay Xabbad-joojin Bani si gargaar loo gaarsiiyo Ismaamulka Tigray.

0
495

Abiy Ahmed oo ku dhawaaqay Xabbad-joojin Bani si gargaar loo gaarsiiyo Ismaamulka Tigray.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya waxa Xukuumaddiisa saaran culeys gudaha iyo dibedda ah oo ka dhashay dagaalka uu ku qaaday Ismaamulka Tigray November 2020 kaas oo ka dhashay dib u dhigista Doorashada guud ee Dalkaas.

Abiy Ahmed ayaa ku dhawaaqay Xabbad-joojin hal dhinac ah oo ka dhaqangeleysa dhanka Xukuumadda uu hoggaamiyo si gargaar Bani Aadamnimo loo gaarsiiyo Ismaamulka Tigray oo duruufo adag ay wajahayaan Dadka ku nool.

Malaayiin ruux ayaa ku barakacday Dagaalka Itoobiya, xaalado bani aadamnimo oo adag ayay wajahayaan, Boqolaal ayaa dhimatay sidoo kale dhaawac kasoo gaaray halka ay burbureen goobo Waxbarasho, Warshado, Caafimaad iyo Guryo ay degen yihiin Dad rayid ah.

War kasoo baxay Xukuumadda Addis Ababa ayaa lagu sheegay in la joojo waqtigii gargaar loo gudbin lahaa Gobolka Tirgray, sidaas awgeed Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed oo go’aan ku gaaray in Xabbad-joojin dhanka Federaalka ku dhawaaqdo.

Qaramada Midoobaya ayaa ka deerisay xaaladda Dadka ku dhibaateysan Tigray iyo Ismaamullada kale ee xadka la wadaaga si ay naftooda uga badbaadiyaan hubka culus oo ay isu adeegsanayaan Xukuumadda iyo xoogagga kasoo horjeeda ee Tigray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here