Kuuriyada Waqooyi Oo Tijaabisay Gantaalada Isaga Kala Goosha Qaaradaha.

0
529

Kuuriyada Waqooyi Oo Tijaabisay Gantaalada Isaga Kala Goosha Qaaradaha.

Warbaahinta dawladda Kuuriyada Waqooyi ayaa manta sheegtay in ay tijaabisay gantaal nuuciisu yahay kuwa  isaga kala goosha qaaradaha (ICBM),iyagoo dabajooga amar ka soo baxay hogaamiye Kim Jong Un.

Tijaabada gantaalkaasi ayaa lagu sheegay in lagu xoojinayo difaaca ,isla markaana  loogu diyaargaroobayo   iska horimaad kasta  oo ay la galaan Maraykanka.

Hogaamiye Kim, oo ku labisan jaakad maqaar oo madow ah iyo muraayadaha qorraxda, ayaa kormeeray shalay furitaankii waxa lagu tilmaamay “nooc cusub” ee ICBM, Hwasong-17.

Tijaabadii ugu horeysay ee nuuca gantaaladaan ICBM,waxaa cambaaraysay Kuuriyada Koonfureed ,Japan, iyo Maraykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here