Golaha Ammaanka Oo War Kulul Kasoo Saaray Weerarkii Muqdisho & Qaraxyadii Baladweyne.

0
438

Golaha Ammaanka Oo War Kulul Kasoo Saaray Weerarkii Muqdisho & Qaraxyadii Baladweyne.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa si kulul u cambaareeyay weerarradii ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, iyo magaalada Beledweyne, 23-kii March 2022, kuwaas oo ay mas’uuliyadooda sheegatay Al-shabaab, laguna dilay tobannaan qof, ayna ku dhaawacmeen tira intaas ka badan.

War-saxaafadeed kasoo baxay Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in ay aad uga xun yihiin, isla markaana ay uga tacsiyeynayaan ehelada dadkii ku dhintay qaraxyadaas, iyaga oo u rajeeyeen kuwa dhaawaca ah in ay si degdeg ah u bogsadaan.

“Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa hoosta ka xarriiqay in loo baahan yahay in lala xisaabtamo dembiilayaasha, abaabulayaasha, iyo maalgeliyayaasha falalkaas argagixisada ah, lana horkeeno caddaaladda” ayaa lagu yiri bayaanka Golaha Ammaanka

Golaha Ammaanka ayaa sidoo kale ku boorriyeen dhammaan Dowlad-goboleedyada, ‘si waafaqsan waajibaadka ka saaran sharciga caalamiga ah iyo go’aannada Golaha Ammaanka ee khuseeya’ inay si firfircoon ay ula shaqeeyaan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo dhammaan hay’adaha kale ee ay khusayso arrintan.

Xubnaha Golaha Ammaanka ee QM ayaa sheegay inay ka walaacsa yihiin khatarta Al-shabaab ee Nabadda iyo Ammaanka Somaaliyaa iyo Gobolka. waaxayna ku boorriyeen hoggaamiyeyaasha Soomaaliya inay ka wada shaqeeyaan arrimaha qaranka ee muhiimka ah, oo ay ku jiraan gunaanadka hannaanka doorashada ee socdta, la dagaallanka waxa loogu argagixisada iyo wax ka qabashada dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee ba’an ee ka dhacaya Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here