Shacabka Dalka Uganda Oo Maanta U Dareeray Doorashada Madaxwaynenimo

0
411

Shacabka Dalka Uganda Oo Maanta U Dareeray Doorashada Madaxwaynenimo

Shacabka Uganda ayaa maanta oo khamiis ah u dareeraya doorashada guud ee dalkaas, kaasoo ay ku soo dooranayaan Madaxweynaha shanta sano ee soo socota.

Doorashada sanadkan ayaa ka duwan kuwii hore, iyadoo laga cabsi qabo rabshado, ammaanka ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo caasimadda Kampala la soo dhoobay ciidamo iyo dabaabaad.

Madaxweynaha talada haya Yoweri Museveni oo muddo 30 sano xilka haya ayaa mar kale doonaya in loo doorto xilka Madaxweynaha.

Hase ahaatee waxaa uu loolan kala kulmayaa Bobi Wine oo ahaa fannaan, kaasoo taageero badan heysto.

Dowladda Uganda ayaa xirtay baraha bulshada, waxaana tallaabadaas si adag u cambaareeyay Bobi Wine.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here