Duqeyn Lagu Dilay Xubno Ka Tirsan Al-Shabaab Oo Laga Fuliyay Gobolka Baay

0
286

Duqeyn Lagu Dilay Xubno Ka Tirsan Al-Shabaab Oo Laga Fuliyay Gobolka Baay

Taliska Ciidanka Mareykanka ayaa la sheegay  in ay duqeyn ku dileen xubno ka tirsan dagaaalmayasha Al-shabaab, waxaana la sheegay in howlgalkaasi uu ahaa mid qorsheysan.

Sida la sheegay Howlgalka oo ahaa mid  military waxaa si wadajir ah u fuliyay Taliska Ciidanka Mareekanka ee Afrika iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana ay sheegeen in howlgalkaas lagu burburiyay Xarun dagaalamayaasha  Alshabaab ku lahaayeen deegaanka Buulafuulaay degmadda Diinsoor ee Gobolka Baay.

Waxaa ay intaa ku dareem in Howlgalka lagu dilay mid ka ah dagaalamayaasha Al-shabaab, kaasi oo ku jiray xarunta la beegsaday, waxaana sidaasi lagu sheegay qoraal ka soo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qoraalka sidoo kale waxaa lagu sheegay in uusan jirin khassaaro soo gaaray shacabka inta lagu jiray Howlgalka.

Hoos ka aqriso Qoraalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here