Jadwalkii labaad ee Guddiga doorashada lagu marsan yahay oo fashilmay

0
298

Jadwalkii labaad ee Guddiga doorashada lagu marsan yahay oo fashilmay

Waxaa markii labaad dib u dhac ku yimid jadwal doorasho oo ay soo saareen Guddiga doorashada heer Federaal, kuwaasoo ahaa doorashada tartanka kuraasta Aqalka Sare.

Guddiga lagu muransan yahay ayaa horay waxay u soo saareen jadwal doorasho 23-kii bishii December 2020, waxaana jadwalkaas uu dhigayay in Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada ay soo saaraan 29 December Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare, isla markaana 31 December 2020 illaa 6 Janaayo 2021 ay ku dhacdo doorashada Aqalka Sare.

Intaas kaddib waxaa uu Guddiga soo saaray jadwal labaad taariikhda marka ay aheyd 29 December, waxaana uu markaas uu sabab uga dhigay is bedelka ku yimid jadwalka codsi uga yimid Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug oo ka dalbaday in waqti la siiyo muddo dib loo dhigo.

Waxaa uu Guddiga qaatay codsiga, isagoo soo saaray jadwal labaad, kaasoo dhigayay in doorashada Aqalka Sare ay dhacdo 7-14 Janaayo 2021, iyadoo maanta ay ku egtahay.

Illaa iyo hadda ma dhaqan gelin jadwalka iyo habraacyadii uu guddigan soo saaray,waana jadwalkii labaad oo fashilma, sababo la xiriira is mari waaga ka taagan Hirgelinta hannaanka doorashada oo ay isku hayaan dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, gaar ahaan Puntland iyo Jubbaland.

Si kastaba ha ahaatee Xukuumadda Federaalka ayaa dhowaan shaacisay in doorashada la guda galayo, kaddib shir ay isugu yimaadeen Madaxda dowladda Federaalka iyo saddexda dowlad goboleed ee siyaasad ahaan u janjeera dowladda Federaalka, sida Galmudug, Koofur Galbeed iyo Hirshabelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here