Mid Kamid Ah Madaxweyneyaasha Afrika Oo Wax Ka Beddelay Magaciisa lana baxay magac cusub

0
323

Mid Kamid Ah Madaxweyneyaasha Afrika Oo Wax Ka Beddelay Magaciisa lana baxay magac cusub

Madaxweynaha Uganda Yoweri Kaguta Museveni ayaa si rasmi ah u wax uga baddalay magaciisii hore isagoo ku daray magac cusub.

Musaveni ayaa ku daray magaciisa magac loo yiqiin markii uu yaraa kaasoo ah ‘Tibuhaburwa’ waxaana luqadda Runyankore loola jeeda “Qofka aan qaadan talada ama la sixi karin”

Waxaa haatan Madaxweynaha loogu yeeri doonaa Yoweri Tibuhaburwa Kaguta Museveni.
Waxayna arrintan hadal badan ka dhex dhalisay baraha bulshada Uganda, halka dadka qaar ay la yaaban yihiin waxa ay aheyd shaqada la taliyeyaasha madaxweynaha markii uu gaarayay go’aankaas.

Madaxweynaha weligiisa ma uusan shaacin magacan tan iyo intii uu xilka qabtay 34 sano ka hor.

Sida uu muujinayo dokumenti dhanka sharciga ah oo lasoo saaray 6-dii bishan Oktoobar, in magacan uu weligiisba ku qornaa shahaadooyinka waxbarasho ee madaxweynaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here