Isgoyso Ku Yaalla Muqdisho Oo Laga Qaaday Dhagxaantii Lagu Xiray

0
360

Isgoyso Ku Yaalla Muqdisho Oo Laga Qaaday Dhagxaantii Lagu Xiray

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay saqdii dhexe qaar kamid ah Isgoysyada ku yaalla Magaalada Muqdisho ka qaaday dhagxaantii ay horey ugu jartay, xili dhibaato ay ku qabeen dadka shacabka.

Goobaha dhagxaanta xalay laga qaaday ayaa waxaa ka mid ah, Isgoysyada, Xararyeele, Siinaay, Afarta darjiin iyo Sanco, kuwaasi oo dhammaantood ku yaalla wadada wadnaha, waxaana Maanta ay yihiin kuwo furan.

Sidoo kale waxaa la sheegay in dhagxaantii laga qaaday wadada Wadnaha la dhigay waddooyin kale oo ku yaalla wadada Warshadaha, sida ay sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Warbaahinta.

Mooto Bajaajta oo kaliya ayaa lasoo weriyay inay marayaan Isgoysyadii laga qaaday dhagxaantii marka hore dowladda Federaalka Soomaaliya ku jartay, halka aan weli loo ogolaan inay maraan gaadiidka dadweynaha raacaan ee BL-ka.

Maalmo kahor ayay aheyd markii dowladda Federaalka Soomaaliya ay dhagxaanta ka qaaday Isgoysyada, Tarabuunka, Sheekh Cali Suufi, Digfeer oo dhamaantood ka tirsan degmada Hodan iyo dhagxaan kale oo taalay meel u dhow Isgoyska degmada Wadajir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here