Qaramada Midoobay oo shaacisay in Al-shabaab ay isticmaasho qaar kamid ah bangiyada Soomaaliya

0
384

Qaramada Midoobay oo shaacisay in Al-shabaab ay isticmaasho qaar kamid ah bangiyada Soomaaliya

Warbixin uu diyaariyay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in ururka Alshabaab ay malaayiin dollar ka soo gasho gudaha Soomaaliya ayna lacagtaasi tahay dhex marto qaar ka mid ah bangiyada Soomaaliya.

Wargeyska New York Times oo helay akhbaarta warkan oo aan si rasmi ah loo shaacin ayaa lagu sheegay in lacago badan ay ururka Alshabaab ay lacago ka ururiyaan gobolada koofurta iyo bartamaha Soomaaliya iyo caasimada dalka ee Muqdisho.

“Kooxda waxa ay lacago ku soo rogtay gaadiidka xamuulka qaada iyagoo bil walba lacago ka qaada ganacsatada sidoo kalana lacagaha zakada ururiya.”ayaa lagu yiri warbixinta.

Warbixintan ayaa sidoo kale lagu xusay in Alshabaab ay lacago ka qaado dekeda Muqdisho iyadoo lagu soo bandhigey ganacsato laga qaado dhaqaale kuwaasoo u cabsada naftooda haddii ay diidaan.

Warbixin ay diyaariyeen Kooxda Khubarada Amniga ee ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in laga soo bilaabo December sanadkii hore ilaa bishii August ee sanadkan ay Al-Shabaab uruurisay lacag dhan $13M waxaana ku jira lacagtaasi qiyaasitii $2.4M oo ay ka uruuriyeen baro kontrool oo ku yaala gobolka Jubada hoose iyo $5.8M oo ay ka qaadeen ganacsiyada Magaalada Kismaayo waxaana Warbixinta ku jira nuqulo waraaqo copy ah oo caddeynaya lacagahaasi la bixiyay.

Warbixinta Guddiga ayaa sidoo kale tilmaamtay koontooyin kala duwan oo Bangiyo ah la marsiiyay lacago Shabaab ay qaadeen, sida lagu daabacay Wargeyska New York Times.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here