Koox Hubeysan Oo Macalimiin Subac Quraan Ku Jiray Ku Dilay Shabeellaha Dhexe+Magacyadooda

0
605

Koox Hubeysan Oo Macalimiin Subac Quraan Ku Jiray Ku Dilay Shabeellaha Dhexe+Magacyadooda

Wararka aan ka helayno degmada cadale ee Gobolka Shabeelalha dhexe ayaa sheegaya in Macalimiin dugsi qur’aan lagu dilay degmadaas, waxaana dilka fuliyay sida la sheegay koox hubeysan oo aan haybtooda la garanayn.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in macalimiinta la dilay xilli ay subac ku jireen, waxaaana tirada Macalimiinta la laayay ay gaaraysaa shan macalin dugsi qur’aan, sida la sheegay ay dileen dabley hubeysan oo aan la garanayn.

Macalimiinta la dilay ayaa lagu kala magacabi jiray:

1) Sheekh Daahir Xasan Cali

2) Macalim Maxamuud Canbuure

3) Macalim Maxamed Xuseen Axmed Caddaawe

4) Macalim Mukhtaar C/laahi Cilmi, iyo

5) Ow Muxumud Xasan Calli.

Dadka la dilay ayaa Waxaa ka mid ah sida wararku sheegyaan laba macalin oo walaalo ah, oo lagu kala magacaabo Sheekh Daahir Xasan Cali iyo Ow Maxamuud Xasan Cali.

Wali ma jirto cid loo soo qab qabtay falkaan naxdinta leh, maamulka Gobolka iyo kan degmada wali kama hadlin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here