DEG DEG : Qarax Ka Dhacay Duleedka Magaalada Muqdisho

0
842

DEG DEG : Qarax Ka Dhacay Duleedka Magaalada Muqdisho

Qarax ayaa goordhaweyd ka dhacay degaanka Ceelasha Biyaha ee Duleedka Muqdisho, waxaana wararku sheegayaan in uu jiro khasaare ka dhashay qaraxaas.

Goob joogayaal ayaa inoo sheegay in Qarax lala eegtay gaari uu watay Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda oo sida la sheegay waqtiga qaraxu dhacayay waddada marayay, waxaana jugta qarax laga maqlay xaafadaha kala duwan ee Ceelasha Biyaha.

Wararku waxaa ay intaas ku darayaan in Qaraxu uu si gaar ah uga dhaacy meel u dhaw Isbitaalka Al-biiri, waxaana la sheegay in dhaawac aad u daran uu soo gaaray Askariga la sheegay in qaraxa lagu bar-tilmaamedsaday.

Wali maamulka iyo laaamaha ammaanka kaam hadlin qaraxa, mana jirtto cid sheegatay mas’uuliyadda Qaraxaas la sheegay in uu ka dhacay Duleedka Muqdisho, balse qaraxyada noocaan ah ayaa looga bartay dagaalamayaasha Al-shabaab oo inta badan fuliya qaarxyada iyo weerada ay ku bar-tilmaameedsanayan Madaxda iyo Askarta Dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here