Eedeeysane Qirtay In Uu Ballamiyay Gabar La Sheegay In Kufsi Iyo Dil Loogu Gaystay Muqdisho

0
653

Eedeeysane Qirtay In Uu Ballamiyay Gabar La Sheegay In Kufsi Iyo Dil Loogu Gaystay Muqdisho

Eedeysane loo haysto in uu ku lug laha dilkii loo gaystay Marxuumad Xamdi Maxamed Faarax ayaa qirtay in uu isagu ballamiyay uuna geeayay dabaqa la sheegay in Gabadha laga soo tuuray.

Eedeysane Maxamed Ibraahim Cusmaan ayaa qirtay in gabadha ay ku ballansaayeen Suuqa Bakaaraha, balse ay u suura gali weyday in ay halkaas ku kulmaan, waxaana uu sheegay in markii dambe ay tageen guri ku yaalla Taree biyaano.

“Waxaan ku ballanay suuqa Bakaaraha, balse waxaan ka weynay meel aan ku kulano, meesha oo buuq aahyd awgeed, kadib waxaan aadnay Guri ku yaaalla Taree Biyaano, wax yar markaan qolka ku jiray waan kululaaday, waxaana aaday Suuliga si aan u soo qubeysto, waxaana qaatay Gabadha Kabaheeda, balse markaan kasoo baxay Suuliga waxaan waayay gabadhii, kadibna Telefankeeda ayaan wacay, waxaana la ii sheegay in ay shil gashay oo ay dabaqa kasoo dhacday” ayuu yiri Edeysane Maxamed Ibraahim Cusmaan.

Eedeysanaha oo qirtay in Marxuumad Xamdi Maxamed Faarax uu ballamiyay ayaa sheegay in uu isku dayay in uu gabadha Cusbitaalka uga daba tago si uu usoo ogaado waxa jira, balse waxaa uu sheegay in uu ka cabsaday in dambiga dusha laga saaro sidaa darteedna uu Magaalada ka cararay, waxaana uu sheegay in Saxiib kiis uu kula taliyay in uu isaga haro Gabadha, waxaana uu sheegay in uusan gabadha isagu dabaqa kasoo tuurin.

Marxuumad Xamdi Maxamed Faarax ayaa la sheegay in la kufsaday kadibna guri dabaq ah laga soo tuuray, waxana kiiska Marxuumadda loo soo xiray dad la sheegay in lagu tuhunsan yahay in ay ku lugleeyihiin kufsiga, waxaana Eedeysane Maxamed Ibraahim Cusmaan uu ka mid ahaa dadka sida gaarka ah loogu tuhmayay falka, waxaana lagU qabtay magaalada cadaado oo uu si dhuumaalaysi ah ku joogay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here