Qoorqoor Oo Dalab U Diray Axmed Madoobe Iyo Saciid Deni

0
448

Qoorqoor Oo Dalab Xasaasi Ah U Diray Axmed Madoobe Iyo Saciid Deni

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa ka hadlay Shirka Dhuusamareeb-3 oo xalay u furmay Madaxda dowladda Federaalka, qaar kamid ah Maamul Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Madaxweyne Qoorqoor oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Shirka inta uusan furmin kahor ay kulan la qaateen Guddiga ka-baaraan deggaya Doorashooyinka dalka, ayna ka warbixin ka dhageysteen.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa codsaday, uguna baaqay Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo Saciid Cabdullaahi Deni inay shirka ka soo qeyb galaan oo ay yimaadaan, ayna qadariyaan gogosha ay dhigeen reer Galmudug.

Isaga oo sii hadlaayay ayuu uga mahadceliyey Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Dowlad Goboleed ee ka soo qeyb galay shirkan sida ay u dhowreen wakhtigii horey loogu qorsheeyey furitaanka shirkan, isaga oo ku bogaadiyey sida ay uga soo dhalaaleen masuuliyadda ka saarnayd in la sii amba-qaado qodobadii lagu heshiiyay.

Si kastaba Jubbaland iyo Puntland ayaa shuruudo ku xiray ka qeyb galka Shirka Dhuusamareeb-3, waxaana Puntland ay sheegtay in shirkaas ay uga qeyb galeyso oo kaliya markii ay goobjoog ka noqoto Beesha Caalamka, halka Jubbaland ay Beesha Caalamka ugu baaqday inay ka caawiso qabsoomida Shirka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here