Madaxtooyada Oo War Kasoo Saartay Shirka Dhuusamareeb-3 Oo Furmay

0
529

Madaxtooyada Oo War Kasoo Saartay Shirka Dhuusamareeb-3 Oo Furmay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoomiyey furitaanka Shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada oo si rasmi ah uga furmay magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariyey oo furitaanka shirka kaddib la hadlay Warbaahinta ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Madaxda Dowlad Goboleed ee ka soo qeyb galay shirkan sida ay u dhowreen wakhtigii horey loogu qorsheeyey furitaanka shirkan, isaga oo ku bogaadiyey sida ay uga soo dhalaaleen masuuliyadda ka saarnayd in la sii amba-qaado qodobadii ka soo baxay Shirkii horey ugu qabsoomay Dhuusamareeb Bishii Luuliyo ee sanadkan.

Waxaa noo furmay Shirkii Dhuusamareeb 3 oo aan isala falanqeynay qorshaha ay noo soo gudbiyeen Guddiga Farsamada Doorashada, iyada oo Madaxdu ay isku af-garteen qodobbo badan oo ku aaddan doorashooyinka dalka. Sida aad wada ogsoontihiin waxaa ilaa hadda nagala soo qeyb galay furitaanka Shirka Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Madaxweyneyaasha Dowladda Goboleedyada Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.”

Madaxda ayaa iska xogwareystay sidii loo sii ambaqaadi lahaa qodobbada muhiimka u ah wadatashiga Heer Federaal iyo Heer dowlad Goboleed, hannaanka doorashooyinka dalka, geeddi socodka siyaasadda iyo Amniga Qaranka.

Furitaanka shirka waxaa ka qeyb galay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, Koonfur-galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here