Khaliif Xaftar Oo Qatar Ku Eedeeyay In Maleeshiyaad Ka Dagaalama Liibiya Ku Tababarto Somalia

0
415

Khaliif Xaftar Oo Qatar Ku Eedeeyay In Maleeshiyaad Ka Dagaalama Liibiya Ku Tababarto Somalia

Afhayeenka Kooxda Marshal Khaliifa Belqaasim Xaftar ee Mucaaraka ku ah Dowladda Liibiya ee ay QM aqoonsan tahay waxa uu hadalkaasi ku sheegay Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay Bariga dalka Libiya, wuxuuna xusay in Xerooyin ku yaalla Somalia lagu soo tababaro Kooxo uu ugu yeeray Argagixiso.

Afhayeenka oo lagu magacaabo Jeneral Axmed Al-mismari waxa uu sheegay inay Dowladda Qatar maalgeliso Dagaalamayaasha shisheeyaha ee loo soo daad-gureeyo magaalladda Misraata ee dalka Libiya.

Waxa kale oo uu tilmaamay inay jiraan 300 Calooshood-u-shaqeystayaal oo lagu soo tababaray Xerooyin ku yaalla Somalia, kuwaasi oo soo gaaray magaalladda Misraata, iyadoo ay hoggaaminayaan 2 Sarkaal oo u dhashay dalka Qatar, waa sida uu ku dooday.

Afhayeenka waxa uu ku goodiyey inay Beesha Calaamka u gudbin doonaan Macluumaadka Taageeradda Qatar ee Dagalaamayaasha shisheeyaha iyo Calooshood-u-shaqeystayaal ka dagaalama gudaha Libiya, kuwaasi oo uu xusay inay ka soo kala jeedaan 60-Waddan.

Dhinaca kale, Afhayeenka Kooxda Khaliifa Xaftar waxa uu ku eedeeyey Madaxweynaha Turkiga, Rajab Dayib Erdogan inuu ciiddamo u soo daabulay Tripoli iyo Galbeedka Libiya, si ay Ciiddanka Dowladda Libiya ee ay QM aqoonsan tahay uga taageeraan Dagaalka waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa kale oo uu Jeneral Axmed Al-mismari tilmaamay inay Dowladda Turkiga iyo Kooxda Boko Haram u socdaan Wada-hadal, si ay Dagaalamayaal ugu soo diraan gudaha Libiya, si ay garab u siiyaan Dowladda GNA ee ay QM aqoonsan tahay.

Afhayeenka Ciiddanka Mucaaradka Libiya ee LRA waxa kale oo uu tilmaamay in Guddoomiyaha Barlamaanka Libiya ee Garabka Khaliifa Xaftar uu la kulmay Danjiraha Maraykanka u jooga Libiya, kana wada hadleen sidii Ciiddanka shisheeyaha looga wada saari lahaa gudaha dalkaasi.

Si kastaba ha ahaatee, Ma jiraan warar madax bannaan oo xaqiijinaya Sheegashada Kooxda Khaliifa Xaftar inay Somalia ku yaallaan waxa ay ugu yeereen Xerooyin lagu tababaro Dagaalamayaasha loo daad-gureeyo gudaha dalka Libiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here