Maxay tahay sababta uu Maraykanka uga shaqeeyey kulankii Farmaajo & Muuse Biixi?

0
522

Maxay tahay sababta uu Maraykanka uga shaqeeyey kulankii Farmaajo & Muuse Biixi?

Muse Biixi oo ciil qaba ay Xamar isaga tegey isagoo baxsada, wuxuuna u baqoolay dalka Mareykanka, waxaana sidaas si ka duwan oo farxad iyo riyaaq badan leh dalka looga ambabixiyey Maxamed Farmaajo oo isaguna ku sii jeedey dalka Mareykanka. Ilaahey idankiisa labaduba kuma aysan kulmin wadanka Mareykanka oo ay wada joogeen, waxaana hal mar isbedeley jawigii labada nin kadib markii Madaxweynihii keligii-taliska ahaa ee Maxamed Siyaad Barre laga tuuray xukunkiisii, taasoo waa cusub u biloday farxada iyo rayraynta Muuse Biixi, halka Maxamed Farmaajo uu u baryey gabaldhac cuqdad iyo ciil ku reebtay.

Muse Biixi iyo Maxamed Farmaajo waxa keliya ee kulmiyaa waa iney canshuurta Soomaaliya wax ku wada barteen gudo iyo dibedba, iyo iney waxbarashadooda sare ku soo wada qaateen dalka Mareykanka, waana halkaas meesha doorka Mareykanku uu labadaas nin ka soo gelayo. Labada ninba waxey ka siman yihiin eeda ay u hayaan koonfurta Soomaaliya oo kala ah in Muuse Biixi uu eedayo koofurta xiliyadii ay Cabdirisaaq Haji Hussein (AUN), Cabdirashid Cali Sharmarke, iyo Maxamed Siyaad Barre ay xukumayeen Soomaaliya, Meesha Maxamed Farmaajo uu eeda u hayo koofurta Soomaaliya xukuumadihii ka dambeeyey ridida xukunka adeerkiis.

Labada nin oo maanta madax ka kala ah koonfurta iyo waqooyiga Soomaaliya ayaa kulankoodii labaad ku wada qaateen dalka Jabuuti iyaga oo kala wata xagjiriin midba dhinaciisa ku soo xoojiyey si aan heshiis loo gaarin. Maxamed Farmaajo ayaa shirka u soo watay Axmed Ciise cawad oo xambaarsan mowqifka Puntland oo markasta ka soo horjeeda heshiiska Somaliland, sidaas si la mid ah Muse Bixii ayaa soo watay Saleban Maxamud Aden iyo Edna Aden Ismail oo labduba ah macangagiin xagjira. Beelaha ay ka soo kala jeedaan Muse Biixi iyo Maxamed Farmaajo ayaa loolan ugu kala jirey saamiga ay ku kala yeelanayaan dowladda Soomaaliya, waxaana doorkii ay beesha Muse ku lahayd dowladda gacan bidixeeyey madaxweyne Aden Cade (AUN) oo xulafeysi kula jirey beesha ugu weyn Puntland, waana halkaas meesha ay ka bilaabatay gadoodka Somaliland.

Muse iyo Farmaajo hiigsigoodu waa kaaf iyo kala dheeri, labaduna hami ummadeed wax ka duwan ayaa ku wada hoos lamaansan, kan koowaad waa damacooda xukun ku nagaashahooda oo mid walba uu doonayo xilkiisa oo aan xambaarsaneyn dano ummadeed sidii uu mid walba u sii wadan lahaa, waayo labada shacab midna ma haysto dowlad siisa shacabkeeda adeegyada aasaasigaa ee dowladnimo, tan labaad ee labadan nin ku hoos lamaansan waa danaha ay hoosta kala wataan Itobiya iyo Mareykanka oo labaduba ay ka mideysan yihiin, labadooduba wuxuu mid walba rabaa in midowga ay la midoobayaan Itobiya ay mudnaanta kowaad ku yeeshaan sida hal beel oo ka mida NFD ay mudnaanta kowaad ugu yeesheen dowladda Kenya.

Haddii aad sugeyso heshiiska Muse iyo Farmaajo filo hunuhuni iyo humaag beena oo dadka la horkeenayo, waana guul haddii hadafkaagu ku siman yahay kulankooda iyo isaragooda, laakiin waa guuldarro mida ugu weyneed oo labada dhinacba ku timid, maxaa yeelay waa ceeb in Muse uu Farmaajo weydiisto ictiraaf adduunkii oo dhan uu soo diidey, iyo isaga oo madaxbanaani ku taamaya inuu helo xukunka hawada Soomaaliya iyo waxyaabo kale oo ay koofurta Soomaaliya si gaara u leedahay. Dhinaca Farmaajo waxaa ceeb weyn ku ah la kulanka madax falaago ah oo horay u diidey inuu si toosa Hargeysa uu kula kulmo iyo isagoo danaha Soomaaliya wakiil uga dhigay Itobiya kadib marka falaagadu ay horay u soo codsatay, taasoo ay si cad ugu yiraahdeen kuma aaminsanin adiga ee waxaan aaminsan nahay Itobiya, ugu dambeystiina meeshii heshiiska laga filayey ka abuurtay colaad cusub oo fashil ku noqotay kulankii igu sawirta ahaa ee uu doonayey inuu ololaha doorashada ku galo.

Kulanka Jabuuti waxey guul weyn u ahayd Somaliland oo fursadaan uga faa’ideysateyiney caalamka dhegahooda ku shubto madaxbanaanida ay ku haminayaan iyagoo jab uusan ka soo waaqsan ku sagootiyey Farmaajo, iyaguna ay farxad iyo qosol guul leh ay goobta kulanka kala soo noqdeen Itobiyana ay qosolka la jiibisey Muse oo ay isir wadaag ku yihiin Oromonimo.

W/Q: Saciid Ciise Mohamuud
Maine, Texas USA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here