Madaxweyne Deni : Marna Ma Ogolaan Doono Natiija Ka Soo Baxda Wadahadal Kasta Oo Lala Galo Somaliland

0
361

Madaxweyne Deni : Marna Ma Ogolaan Doono Natiija Ka Soo Baxda Wadahadal Kasta Oo Lala Galo Somaliland

Kalfadhiga 46-aad ee Baarlamanka Puntland ayaa maanta ka furmay Xarunta Golaha Wakiilada maamul-goboleedka Puntland.

Maamulka Puntland ayaa ka hor yimid shir lagu soo gaba-gabeeyay dalka Jabuuti ee dhex maray madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Jamhuuriyadda goonni isutaageeda ku dhawaaqday ee Somaliland.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in maamulka Puntland aysan akhbali doonin natiija walba ee ka soo baxda wadahadallada u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland.

“Waxaan cadaynaynaa inaan marna ogolaan doonin natiija ka soo baxda wadahadal kasta oo lala galo Somaliland oo aysan Puntland qayb ka ahayn. Puntland waxaa Somaliland kala dhexeeyo khilaaf dhuleed taas oo u baahan inaan xal ka gaarno” Ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf ayaa sidoo kale sheegey in aysan qayb ka ahayn shirkaas aysanna aqbali doonin.

Hadaladan ayaa ku soo beegmaya xilli magaalada Jabuuti ee caasimadda Jabuuti lagu soo gaba-gabeeyay shir shalay ku dhex maray madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Jamhuuriyadda goonni isutaageeda ku dhawaaqday ee Somaliland.

Shirkan oo ay marti gelinaysay dowladda Jabuuti ayaa waxaa ergada labada dhinac kala hoggaaminayay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cadi.

War-murtiyeed laga soo saaray shirkaasi ayaa lagu sheegay in lagu heshiiyay in la sameeyo guddi farsamo oo wada jir ah, kuwaas oo hawsha halkaa ka sii wadi doona isla markaana dib u eegi doona waxyaabaha horey loogu heshiiyay, in labada dhinac aanay siyaasadeyn kaalmooyinka horumarineed iyo maalgashiga iyo in dalka Jabuuti uu noqdo madasha kulammada dhanka farsamada ee lagu sii dhaqaajinayo wada-hadallada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here