Madaxwaynaha Maamulka Puntland Oo Maanta Furaya Kalfadhiga Baarlamaaka Puntland

0
348

Madaxwaynaha Maamulka Puntland Oo Maanta Furaya Kalfadhiga Baarlamaaka Puntland

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu wadaa in Maanta uu Magaalada garoowe ka furo Kal-fadhiga 46aad ee Golaha Wakiilada Maamulkaasi Puntland.

Furitaanka Kalfadhiga waxaa ka qayb-galaya Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo labaduba Khudbado ka jeedin doona Kulanka.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa laga sugayaa in uu faah faahin ka bixiyo Waxqabadka Xukuumaddiisa ee Mudadii u dhexaysay labada Kalfadhi iyo waxyaabihii aan u qabsoomin iyo xaalada Siyaasadeed ee Puntland iyo Guud ahaan Soomaaliya.

Guddoonka Baarlamaanka Puntland ayaa shaaciyay in Ajandaha Kalfadhiga uu yahay la xisaabtanka Xukuumadda iyo dhammaystirka iyo Ansixinta Maxkamadda Dastuuriga ah oo Puntland aysan horay u lahaan jirin taasi oo muhiim u ah Hannaanka Xisbiyada badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here