Ra’iisul Wasaare Abiy Oo Iskaga Baxay Jabuuti, Kadib Shirkii Shalay

0
412

Ra’iisul Wasaare Abiy Oo Iskaga Baxay Jabuuti, Kadib Shirkii Shalay

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa saakay ka ambabaxay Magaalada Jabuuti ee Caasimadda dalkaas, kadib markii uu shalay ka qeyb galay Shirkii dhexmaray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Abiy Axmed ayaa Khubad ka jeediyay Shirka Dowladda Federaalka iyo Somaliland, isagoo sheegay inta uu socday shirka in laga wada hadlay Arrimo ku aadan labada dhinac iyo kuwo kale oo Ajendayaasha ku jiray

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa tilmaamay in meelo dunida ah kamid ah laga heshiiyey dhibaatooyin ka waaweyn kuwa dhex yaalla Soomaaliya iyo Somaliland, loona baahan yahay in dhinacyadu ay sii wadaan wada xaajoodkooda.

Isaga oo sii hadlaayay ayuu u mahadceliyay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo shirkaas ku Casuumay, isla markaana shir guddoomiye ka ahaa shirka, waxaa kaloo Abiy uu u mahadceliyay Madaxweye Farmaajo iyo Madaxweyne Muuse Biixi.

Si kastaba Somaliland ayaa shaacisay inuu fashil kusoo dhaaafay shirkii u dhexeeyay DFS iyo Somaliland, isla markaana labada dhinac ku kala kacay, kadib markii Somaliland ay laba shuruud ku xirtay Dowladda, kuwaasi oo kala ahaa in garawshiyo laga bixiyo xasuuqii loo geystay shacabka Somaliland iyo in lagu daro ajandaha in Somaliland aqoonsi la siiyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here