Dal ku guuleestay in la daweeyo dhamaan dadkii uu ku dhacay Cudurka Caronavirus

0
392

Dal ku guuleestay in la daweeyo dhamaan dadkii uu ku dhacay Cudurka Caronavirus

Wadamo badan oo caalamka kuyaala waxaa xiligan ka jirta dhibaato xoogan oo ka dhalatay caabuqa safmarka ah ee Caronavirus , waxaana sii kordhaya dadka uu cudurkan ku dhacayo iyo waliba kuwa u dhimanaya.

Qaar kamid ah wadamada caalamka ayaa ku guuleestay xakameynta cuduran iyo sidii loo bad baadin lahaa dadkii uu ku dhacay cudurka, walina lama shaacin daawo rasmi ah oo loo helay in cudurkan ay daaweeneyso.

Dalka Cambodia ee kuyaala qaarada Aasiya ayaa ku guuleestay in gabi ahaanba dalkaasi laga waayo dad qaba cudurka Caronavirus, waxaana isbitaalka laga saaray bukaankii ugu dambeeyay ee cudurkaasi uu ku dhacay.

Telefishinka Qaranka Cambodia ayaa laga baahiyay qofkii ugu dambeeyay ee cudurkaasi hayay oo ka bogsaday lagana saarayo isbitaalkii lagu daweenayay, waxaana dalkaasi tan iyo 12-kii April aan laga helin wax kiis ah oo cudurka Caronavirus.

Dalka Cambodia ayaa laga diiwaan galiyay guud ahaan 122 kiis oo Caronavirus ah, waxaana bogsaday dhamaan dadkii uu cudurkaasi ku dhacay mana jirin wax dhimasho ah oo dalkaasi laga diiwaan galiyay.

Wasiiirka Caafimaadka Mam Bunheng, ayaa sheegay in dalkiisa guul ka gaaray la dagaalanka Caronavirus, waxa uuna bulshada ugu baaqay in wali qaataan talooyinka caafimaad ayna ku jiraan feejignaan iyo kala fogaansho.

Qaarada Aasiya gaar ahaan dalka Shiinaha uu cudurkan kasoo bilowday ayaa ku guuleestay xakameynta cudurkan, waxaana dhibaatada ugu badan cudurkan ka geestay Mareykanka iyo wadamada Yurub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here