Madaxwayne Dafiray Jiritaanka coronavirus Oo Hada Dalkiisii Laga Waayay Meel Bukaanada La Kala Dhigo

0
365

Madaxwayne Dafiray Jiritaanka coronavirus Oo Hada Dalkiisii Laga Waayay Meel Bukaanada La Kala Dhigo

Maayarka magaalada ugu weyn dalkaasi Barazil ee Sao Paulo ayaa sheegaya in habka caafimaad ee magaalada uu qarka u saaran yahay inuu bur-buro oo waxaa laga cabsi qabaa iney isbitaalada buux dhaafaan.

Waxaa sare u sii kacayso baahida loo qabo sariiraha la seexiyo dadka uu aadka usoo ritay fayraska corona. Bruno Covas ayaa sheegay in barasaabka gobolka ay kawada hadlayeen in magaalada gabi ahaanba lagu soo rogo Bandow habeen iyo maalin ah.

Bruno Covas ugu baaqay shacabka in ay joojiyaan jabinta sharciga xayiraadaha laga soo rogay dalkaasi.

São Paulo aad ayuu u saameeyay xanuunka fayraska oo waxaa ku geeriyootay ilaa 3,000 o qof.

Sabtidii Brazil waxay hormartay dalka Spain oo uu isagana aad ula dagay fayraska corona.

Wasaaradda caafimaadka ayaa afar iyo labaatankii saacadood ee la soo dhaafay soo werisay 7,938 oo kiisas cusub ah, taasi oo tirada guud dadka uu soo ritay xanuunka ka dhigeyso 241,000 oo Mareykanka, Ruushka iyo UK kaliya ayaa ka horreeya.

kiisaska dhimashada ee 24-kii saacadood ee la soo dhaafay ayaa gaaray 485, oo qof wxaayna taasi micneheedu yahay in tirada guud ee dhimashada haatan gaartay 16,118 waana dalka shanaad ee ugu dhimashad badan dunida oo dhan.

Khubarada caafimaadka ee Brazil ayaa ka digay in tirada saxda ee kiisaska la xaqiijiyay ay intaasi ka badan karaan sababo la xiriira baaritaan la’aanta.

Madaxweynaha dalkaasi Jair Bolsonaro ayaa lagu dhaleeceeyay qaabka uu ula tacaalay xanuunka fayraska corona

Waxa uu yiri kala fogaanshiyaha dadweynaha waxa ay uga sii dareysaa dhaaqaale xumida dalka isagoona sidoo kale fayraska ku tilmaamay hargab yar oo sidaa usii weynayn.

Bishii April Mr Bolsonaro ayaa dafiray in Covid-19 uu yahay xanuun halis ah, wuxuuna sheegay inuu yahay “hargab iska yar”.

Warbaahinta ayuu ku eedeeyay inay faafinayaan warar been abuur ah si ay shacabka u khal khal galiyaan.

Dhanka kale, kooxo taageersan madaxweynaha ayaa baraha bulshada soo dhigay sawir ay ka muuqdaan naxashyo ay sheegeen inay maran yihiin oo la aasayo si loo buunbuuniyo tirada dhimashada ee cudurka.

Ugu yaraan saddex wariye ayaa la weeraray intii uu socday isu soo baxaya uu Axaddii ka qeyb galay madaxweynaha, kaasoo ay isugu tageen boqollaal qof.

Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa aragtay wariye sawir qaade ah oo jaranjaro laga soo riday, kaddibna si xun loo garaacay.

Jair Bolsonaro waa kaligiis hadda,” waxaa sidaas yiri tifaftiraha guud ee warbaahinta daabacaadda ee Americas Quarterly. “Ma jiro hoggaamiye kale oo caalmanka ku sugan oo inkiraya khatarta cudurkan, mowqifka uu madaxweynahan qabana wuxuu horseedi karaa in dad badan oo reer Brazil ah ay naftooda ku waayaan.”

Jair Bolsonaro wuu isku buuqsan yahay. Wuxuu xukunka qabsaday sanadkii lasoo dhaafay isagoo ballanqaaday inuu sare u qaadi doono dhaqaalaha, taasna waxaa hakiyay coronavirus.

Xeebaha magaalada Rio waa laga kala tagay wadooyinkii sida caadiga ah u mashquulka badnaa ee magaalada Sao Paulo iyaguna way maran yihiin.

Dukaamada, Iskuullada, goobaha dadweynaha iyo xarumaha ganacsiga ee isnta badan gobollada ayaa la xiray.

Sidaas awgeed Mr Bolsonaro waxaa ka go’an in cudurkan safmarka ah uu siyaasadeeyo, isagoo dadka kasoo horjeeda ku eedeynaya inay isku dayayaan burburinta waddanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here