Madaxweynihii Hore Ee Maamul Gobaleedka Galmudug Ee Soomaaliya Oo Socdaal Ku Jooga Hargeysa

0
899

Madaxweynihii Hore Ee Maamul Gobaleedka Galmudug Ee Soomaaliya Oo Socdaal Ku Jooga Hargeysa

Madaxweynihii hore ee maamul goboleedka Galmudug ee dalka Soomaaliya Axmed Ducaale Geele Xaaf, ayaa socdaal ku jooga caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Sidaas waxa Geeska Afrika u xaqiijiyay ilo xogogaala.

Mr. Xaaf ayaa Somaliland ka soo galay dhinaca dhulka, isagoo ka soo kicitimay Galmudug ka dib markii uu xilkii ku wareejiyay madaxweyne cusub oo loo doortay deegaankaas.

Ma jiro wax war ah oo ay xukuumadda Somaliland ka soo saartay socdaalka uu siyaasigan Soomaailya ud hashay ku joogo Hargeysa iyo ujeedada safarkiisaba. Sidoo kale Mr. Xaaf ayaan isna ka hadal socdaalkiisan.

Laakiin Axmed Ducaale Geele Xaaf, oo ka hor madaxtinimada Galmudug ahaa ganacsade caan ka ah gobalka Geeska Afrika, ayaa xidhiidh ganacsi la lahaa Somaliland, waxaanay dadka qaar sheegayaan inaanu socdaalkiisu wax xidhidh la lahayn arrimo siyaasadeed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here