Qarax lagula eegtay Boosaaso gaari uu watay Wasiirkii hore ee Qorsheynta Puntland

0
619

Qarax lagula eegtay Boosaaso gaari uu watay Wasiirkii hore ee Qorsheynta Puntland

Wasiirkii hore ee Qorsheynta Maamul Goboleedka Puntland Shire Xaaji Faarax ayaa ka badbaaday qarax lagula eegtay gaarigiisa oo marayay bartamaha magaalada Boosaaso.
Gaariga wasiirka oo ahaa nooca loo yaqaan HELUX ayaa qaraxa lala eegtay xilli uu marayey laamiga weyn ee bartamaha magaalada waxaana ku dhaawacmay askari ka mid ahaa ilaalada Wasiirkii hore ee Qorsheynta Puntland.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in wasiirka oo saarnaa gaariga uusan wax dhaawac ah ka soo gaarin qaraxa balse uu burbur ka soo gaaray gaarigiisii.

Ammaanka magaalada Boosaaso iyo guud ahaan gobolada maamulka Puntland ayaa la kordhiyay maalmihii la soo dhaafay iyadoo ay ka dhacayeen gobolada Puntland munaasabad lagu xusayay sanadguurada 21aad ee aasaaska Maamul goboleedka Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here