Marxuum Yariisow oo lagu aasay Khabuuraha School Polizio+SAWIRO

0
698

Marxuum Yariisow oo lagu aasay Khabuuraha School Polizio+SAWIRO

Allaha u naxariistee Gudoomiyihii Maamulka Gobolka Banaadir & Duqii Magaalada Muqdisho, C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa waxaa maanta aas qaran loogu sameeyay Magaalada Muqdisho.

Meydka marxuumka oo saakay laga soo dejiyay Garoonka Aadan Cadde ayaa waxaa Salaadda Janaasada lagula tukaday Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Salaadda Janaasada ayaa waxaa ka soo qaybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Gudoomiye-yaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka, Golaha Wasiirada, Xildhibaanada iyo dadweyne fara-badan.

Intii ay socotay keenista meydka marxuumka, markii laga soo dejinaayay Garoonka Aadan Cadde iyo intii lagu tukanaayay Salaadda Janaasada ayaa waxaa si toos ah looga baahinaayay telefishinada.

Ugu dambeen meydka marxuum Yariisow ayaa waxaa lagu aasay Khabuuraha School Polizio, oo hadda loo bixiyay Khabuuraha General Kaahiye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here