Iran oo Gacanka ku qafaalatay markab kale oo shisheeye

0
621

Iran oo Gacanka ku qafaalatay markab kale oo shisheeye

Iran ayaa markab kale oo ajinabi ah ka qabsatay gacanka Cumaan, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Iran.

Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xigatay warbaahinta Qaranka ayaa sheegtay in ciidamada Ilaalada Kacaanka ee ay qafaasheen markab shidaal oo marayay gacanka Cumaan, kaas oo ay sheegeen in shidaal sharci darro ah u siday qaar ka mid ah dalalka Carabta.

Waxay sheegtay in markabka uu siday shidaal cadaddiisu gaarayso ilaa 700,000 oo litar, waxayna intaasi ku dartay in toddobo qof oo shaqaale ka ahaa markabkana la xiray.

Dhacdadaan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo ay cirka isku sii shareereyso xasaradda gacanka Carbeed.

Waa warbixin degdeg ah oo hadda ina soo gaartay, faafaahin dheeraad ahna waxaad naga filaysaan goor dhaw. Fadlan cusboonaysii bogga si aad xogta oo dhameystiran u heshid.

 

BBCSOAMLI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here