Shirka Wadatashiga dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada oo ka furmay Garowe+SAWIRO

0
700

Shirka Wadatashiga dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada oo ka furmay Garowe+SAWIRO

Waxaa goor dhow ka furmay magaalada Garowe Shirka Wadatashiga ee u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, iyadoo shirkan uu ku soo aaday xilli xasaasi ah oo khilaaf siyaasadeed uu u dhaxeeyo dowladda Dhexe iyo dowlad goboleedyada.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa shirka furay, waxaana ka qeyb galaya shirka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koofur Galbeed, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in shirka looga hadlayo qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin arrimaha siyaasadda, Amniga, qeybsiga kheyraadka, doorashada 2020/2021, iyo nooca ay noqon doonto.

Ilo ku dhow dhow kulanka ayaa sheegaya in jadwalka loogu tala galay kulanka uu yahay maanta illaa caawa, balse laga yaabo inuu dheeraado, marka loo eego qodobada xasaasiga ah ee la isku haayo.

Jowhar.com ayaa heshay qodobada muhiimka ah ee shirka looga hadlayo, kuwaasoo kala ah

1- In heshiis laga gaaro Qodobka 51aad ee dastuurka oo ka hadlayo Xiriirka Iskaashiga Heerarka Dawladaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Qodobkaan oo ay soo hoos galayaan inta badan waxyaabaha la isku maandhaafsan yahay sida;

• Siyaasadda: Waxaa laga hadli doonnaa cidda xaqa u leh jaangoynta nuuca doorasho ee dalka ka dhaceyso, doorshooyinka maamullada yo dhismaha maamullada dowladaha hoose.
• Kheyraad-Qeybsiga: Qodobada miiska saran ee ugu kulul ayaa sidoo kale waxaa kamid ah shuruucda kheyraad qeybsiga oo ay xukuumaddu gacanta ku heyso. Iminka ma jirto wax kheyraad ah oo la qeybsan doono, balse hergelinta shuruucdaas ayaa ah waxa laga wad hadli doono.

2- Abaaraha dalka ka jira: Sida ay sheegayaan odoros ay sameeyeen hay’adaha QM, waxaa cabsi laga qabaa in abaar daran ay ku dhufato inta badan gobollada dalka. Madaxda ayaa la filayaa in qodobkan uu u noqdo mid kamid ah wax yaabaha ay ka hadlayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here