Israa’iil oo duqeysay xafiis dowladda Turkiga ku leedahay Qasa

0
712

Israa’iil oo duqeysay xafiis dowladda Turkiga ku leedahay Qasa

Mintidiinta reer Falasdhiin ee ka hawlgala marinka Qasa ayaa in kabadan 200 oo gantaal waxa ay ku tuureen gudaha Israa’iil, sida uu sheegaya milatariga Israa’iil.

Arrintaasi ayaa waxa ay sababtay in Israa’iil ay adeegsato awood oo cirka iyo dhulkuba ay ka duqeyso deegaannada ku yaal dhulka reer Falasdhiin.

Firirka gantaalada ka imaanaya dhanka Qasa ayaa waxaa ku dhintay hal qof oo Israa’iili ah, halka rasaasta Israa’iil ay galaafatay nolasha afar qof oo reer Falasdhiin ah oo ay ku jirto haweeney iyo gabar yar oo ay dhashay, sida ay sheegayaan mas’uuliyiinta Qasa.

Hase yeeshee, Israa’iil ayaa sheegtay in haweeneydaasi iyo gabadheeda ay ku dhinteen gantaal ay soo direen mintidiinta reer Falasdhiin, kaasi oo ku dhacay meel ka sokeysa bartilmaameedkiisa.

Rabshadahan cusub ayaa yimid ka dib xabbad joojin ay dhiancyadan ku heshiiyeen ka hor doorashadii Israa’iil ka dhacay bishii Abriil.

Afar qof oo reer Falasdhiin ah oo ay ku jiraan laba ka mid ah dagaalyahannada ururka Xamaas ayaa Jimcihii la soo dhaafay la dilay ka dib markii laba askari oo ka tirsan milatariga Israa’iil lagu dhaawacay weerar toogasho ah.

Rabshadahan ayaa ka dhigan in colaadda u dhaxeysa Israa’iil iyo kooxaha reer Falasdhiin ay sii xoogeysanayso, inkastoo ay jiraan dedaallo ay wadaan Masar iyo Qaramada Midoobey, kuwaasi oo looga gol-leeyahay sidii xabbad joojin waarta loo dhex dhigi lahaa labadan dhinac.

QASALahaanshaha sawirkaAFP

Mid ka mid ah duqeymaha ay Israa’iil ka geysatay marinka Qasa ayaa lala beegsaday xafiiska wakaaladda wararka ee dalka Turkiga ee Anadolu, arrintaa oo horseeday dhaleeceyn ka timid dowladda Turkiga.

Dhacdooyinkii ugu dambeeyay

Nin Israa’ili ah ayaa aroorniamdii saaka oo Axad ah ku dhintay deegaanka Ashkelon oo 10km dhanka woqooyi ka xiga marinka Qasa, ka dib markii uu dhaawac ka soo gaaray firirka gantaal ku habsaday gurigiisa.

Ciidamada Israa’iil ayaa sheegaya in Falasdhiiyiiinta Qasa ay ku soo direen ilaa 250 gantaal, kuwaasi oo soo billowday shalay oo Sabti ahayd.

Gantaalada ayaa ku dhacay dhawr guri oo ku dhow xudduuda Israa’iil la leedahay marinka Qasa, waxaana dadka halkaasi deganaa ay miciin bideen dhismooyin gaar ah oo loogu tala galay in looga gabbado gantaalada.

Haweeney 80 jir ah ayaa deegaanka Kiryat Gat ku dhaawacan tahay kadib markii ay soo gaareen firirka hoobiyeyaasha laga soo ridayay dhanka Qasa.

Qalabka difaaca gantaalada ee Israaill ayaa burburiyay dhawr gantaal oo ka yimid dhanka Qasa, sida uu sheegay milatariga Israa’iil.

QASALahaanshaha sawirkaREX FEATURES

Milatariga Israa’iil ayaa sheegaya in iyaga oo ka jawaabaya hoobiyeyaasha ka soo dhacaya dhanka Falasdhiin ay qaadeen duqeymo cirka iyo dhulka ah, kuwaa oo ay ku bartilmaameedsadeen ilaa 120 goobood oo ururka Xamaas iyo dhaqdhaqaaqa Al-Jihaad Al-Islaami ee reer Faalsdhiin ay ku leeyihiin marinka Qasa.

Ururka Xamaas ayaa maamul ahaan gacanta ku haya marinka Qasa.

Israa’iil waxay gantaaladani ka imaanaya dhanka Qasa ku eedeysay ururka Xamaas iyo dhaqdhaqaaqa Al-Jihaad Al-Islaami ee reer Faalsdhiin.

Saraakiisha reer Falasdhiin ayaa sheegaya in Israa’iil ay dishay wiil 22 jir ahaa, waxaana wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganeysa koox yar oo gacansaar la leh Xamaas ay sheegtay in wiilkaasi uu ka tirsanaan kooxdaasi yare e u janjeerta dhanka Xamaas.

Dadka kale, dadka ku dhintay rabshadahan cusub ayaa waxaa ka mid ah haweeney 37 jir ahayd iyo gabar yar oo sanad iyo laba bilood jirtay oo lagu dilay duqeymaha diyaaradaha Israa’iil ee bariga marinka Qasa, sida ay sheegeen saraakiisha reer Falasdhiin.

Sidoo kale dhawr qof oo ka mid ah dadka reer Falasdhiin ee deggan Qasa ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo xooggan.

Hase yeeshee, Israa’iil waxa ay dood ka keentay in duqeymaha diyaaradaheeda ay dileen haweeneydaasi iyo gabadheeda.

“Sida muuqata, gabadhaasi yar iyo hooyadeed waxa ay ku dhinteen falalka argagixisada reer Falasdhiin ee ma ahan duqeymaha Israa’iil,” ayuu Avichay Adraee ku soo qoray bartiisa tweeter-ka.

QASALahaanshaha sawirkaAFP

Qunsulka guud ee Israa’ll u fadhiya magaalada New York ee dalka Mareykanka, Dani Dayan, ayaa isna tweeter-kiisa soo dhigaya qoraal sheegaya in haweeneydaasi iyo cannugeeda ay ku dhinteen hoobiye laga soo tuuray dhanka Qasa oo ku dhacay meel aan ahayn bartilmaameedkiisa.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga, Mevlut Cavusoglu, ayaa cambaareeyay weerarkaasi ka dhanka ah dadka rayidka ah ee reer Falasdhiin, waxa uuna ku tilmaamay dambi ka dhan ah aadanaha.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sidoo kale cambaareeyay duqeynta loo geystay xafiiska wakaaladda wararka ee dalkiisa.

Milatariga Israa’iil ayaa difaacay tallaabada ay ku beegsadeen dhismaha xafiiska wakaaladda wararka ee Turkiga, waxa uuna sheegay in dhismahaasi ay isticmaalayeen dagaalyahannada ururka Xamaas ee daanta galbeed iyo sidoo kale xubno ka tirsan dhaqdhaqaaqa Al-Jihaad Al-Islaami ee ree Falasdhiin.

Maxaa sababay rabshadahan cusub?

Rabshadahan Qasa ayaa soo billowday Jimcihii la soo dhaafay, xilli ay dhacayeen dibadbaxyadii caadiga ahaa ee Qasa ka dhici jiray maalin kastaa oo Jimca ah, kuwaasi oo looga soo horjeedo go’doominta Israa’iil ay go’doomisay Qaasa. Israa’iil ayaa sheegeysa in go’doominta Qasa ay tahay mid la doonayo in looga hortago in Xamaas ay hesho hub.

Nin hubeysan oo reer Falasdhiin ah ayaa toogasho ku dhaawacay laba askari oo Israa’iil u dhashay, kuwaasi oo sida la sheegay ku sugnaa xeyndaabka xudduudda Qasa.

Milatariga Israa’iil ayaa markiiba weerarkaasi ku eedeeyay dhaqdhaqaaqa reer Falasdhiin ee Al-Jihaad Al-Islaami.

QASALahaanshaha sawirkaAFP

Weerarkaasi ka dib ayaa duqeymaha diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil waxa ay dileen laba ka tirsan dagaalyahannada ururka Xamaas.

Laba qof oo kale ayaa sidoo kale waxaa ay u dhinteen rasaas ay soo rideen ciidamada Israa’iil ee ku sugan xudduudda.

Dhaqdhaqaaqa Al-Jihaad Al-Islaami ayaa sheegay in shalay oo Sabti ahayd ay gantaallo ku garaaceen gudaha Israa’iil, kuwaasi oo ay sheegeen in ay jawaab u ahaayeen rabshadihii dhacay Jimcihii la soo dhaafay.

Al-Jihaad Al-Islaami ayaa sidoo kale warbixin qoraal ah oo uu soo saaray waxa uu Israa’iil ku eedeeyay in ay ku guuldareysatay dhaqangelinta xabbad joojintii lagu heshiiyay bishii la soo dhaafay, taa oo ay garwadeen ka ahayd dowladda Masar.

Warbixin qoraal ah oo uu soo saaray afhayeenka ururka Xamaas, Cabdiladhiif Al-Qanow, ayaa lagu sheegay “Iskacaabintu waa ay sii socon doontaa, oo waxaa looga jawaabayaa dambiyada ay geysanayaan kuwa xoogga nagu haysta. Mana u ogolaan doono in ay daadiyaan dhiigga shacabkayaga.”

Al-Qanow marnaba ma uusan soo hadal qaadin in ururkiisu ay wax gantaallo ah ku soo rideen Israa’iil iyo in kale.

Ku dhawaad laba milyan oo reer Falasdhiin ah ayaa waxa ay ku nool yihiin marinka Qasa oo dhaqaale xumo ba’ani ka soo gaartay go’doominta Israa’iil iyo kaalmada shisheeye ee dhawaan laga jaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here