Al-Shabaab oo weeraray Saldhig Ciidanka Kenya ku leeyihiin duleedka Mandhera

0
702

Al-Shabaab oo weeraray Saldhig Ciidanka Kenya ku leeyihiin duleedka Mandhera

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay weerareen Saldhig Ciidanka Kenya ku leeyihiin duleedka magaalada Mandhera ee Gobolka Waqooyi Bari.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in weerarka uu ahaa mid xooggan oo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Warar lagu qoray Baraha Internet-ka ee taageera Al-Shabaab ayaa lagu sheegay inay la wareegeen saldhiga Ciidanka Kenya ee deegaanka Carabiya.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay khasaare gaarsiiyeen ciidankii Kenya ee ku sugnaa saldhiggaas.

Illaa iyo hada ma jirto wax war ah oo laga helay weerarkan oo dhacay shalay oo Axad aheyd, waxaa la sheegayaa in dagaalamayaashii Shabaab ee weeraray saldhiggaas ay dib uga baxeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here