Dab saaka kacay garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo howlihii duulimaadyada oo hakad galay

0
543

Dab saaka kacay garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo howlihii duulimaadyada oo hakad galay

Wararka laga helayo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu hakad ku jiro howlihii duulimaad ee garoonka, kaddib markii uu dab ka kacay.

Dabka ayaa ka kacay maqaayad ku taal qeybta duulimaadyada caalamiga ka baxaan, waxaan taas keentay in saacado dib u dhacaan diyaaradihii saaka imaan lahaa.

Wararka horudhaca ee la helayo ayaa sheegaya in dabka uu sababay cilad koronto, balse Maamulka Garoonka ayaa si rasmi ah uga hadlay waxa sababay dabka.

Inkastoo aanu dabka khasaare nafadeed dhalin, hadana waxaa lagu guuleystay in la damiyo sida ay xaqiijiyeen saraakiisha garoonka.

Waxaa la filayaa in howlaha garoonka uu caadi ku soo laabto, iyadoo muddo labo saacadood ay illaa hadda dib u dhaceen diyaaradihii saaka imaan lahaa.

Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa mid mashquul ah oo maalin walba in ka badan 50 diyaaradood ay ka soo degaan, kana duulaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here