Xaaladda caafimaad ee madaxwaynaha Gabon oo laga deyrinayo

0
591

Xaaladda caafimaad ee madaxwaynaha Gabon oo laga deyrinayo

Madaxwaynaha dalka Gabon Cali Bongo ayaa si aad ah u xanuunsanaya,sida uu sheegay afhayeen u hadlay xafiiska madaxwaynaha.

Waxaa muddooyiinkii ugu dambeeyay soo baxayay warar la isla dhex marayay oo ku saabsanaa xaaladda caafimaad ee madaxwaynaha 59 jirka ah.

Wararka qaar ayaa sheegayay in Madaxwayne Cali Bongo uu madaxa dhiig kaga furmay.

Madaxwaynaha ayaa waxa in muddo ah lagu daawaynayay dalka Sacuudiga,waxaana bishii aanu soo dhaafnay la shaaciyay in madaxwaynaha uu ka cabanayo daal badan.

Afhayeenkiisa Ike Ngouoni ayaa sheegay in Mr Bongo “uu ka soo kabanayo dhammaan xanuunkii hayay “.

Lama xusin in madaxwaynaha uu madaxa dhiig kaga furmay balse afhayeenkiisa Mr Ngouoni ayaa sheegay”in uu dhiigga uu u baahan yahay daryeel caafimaad”.

Cali Bongo ayaa talada kala wareegay aabihii Cumar Bongo sanaddii 2009.

Aabihii Cumar Bongo ayaa ka soo talinayay Gabon in ka badan 40 sano.

Cali Bongo ayaa dirqi ah ugu guulaystay doorashadii 2016 ka dhacday dalkaasi taasi oo ay hareeyeen rabshado iyo eedeeymo ku saabsan wax isdabamarin.

Horraantii bishan xilli uu madaxwayne Bongo ku maqnaa dalka Sacuudiga ayaa waxaa mar kale guul ka sheegtay doorashadaasi hogaamiyaha mucaaradka Gabon Jean Ping.

Jimcihii waxaa shaqada laga joojiyay muddo saddex bilood ah wargays ka soo baxa dalka Gabon ka dib markii uu qoray in ay tahay in rai’sul wasaaraha dalkaasi loo magacaabo hogaamiyaha dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here