Pep Guardiola, Macallinka Manchester City u suurageliyay Riyadii Hanashada Champions League.

0
170

Pep Guardiola, Macallinka Manchester City u suurageliyay Riyadii Hanashada Champions League.

Saxaafadda ugu caansan Dalalka Britain & Spain ayaa aad u hadal haya dedaalka uu Kooxda Manchester City geliyay Josep Pep Guardiola oo ugu dambeyn noqday Macallinkii rumeeyay Rejadii Kooxdaas ee hanashada Horyaalka Qaaradda Yurub Champions League.

Pep ayaa koobkii saddexaad oo Champions League ah ku guuleystay muddada uu Macalinka u yahay Kooxaha Barcelona, Bayern Munich & Manchester City, halka Kooxdaan Ingiriiska ee City uu xalay u qaaday Koobkii 12aad inta uu maamulayo.

Shaxda Kooxda uu hagaajiyay, falsadda lagu maamulayo ciyaartoyda, dhiirragelinta shaqaale ilaa ciyaartoy ayaa u suurageliyay in uu kasoo gudbo labadii imtixaan ugu adkaa ee u gudubka Finalka maadaama uu soo reebay Kooxaha Real Madrid iyo Bayern Munich.

Waxa uu jebiyay Rikoor u yaallay Kooxda ay wada xifaaltamaan oo ay kawada dhisan yihiin halka Magaalo ee Manchester United kaas oo ah sanadkii 1999 ay ku guuleystay koobabka loo yaqaan saddexleyda.

Rodri oo ay Pep wadaagaan dhalashada Spain ayaa noqday geesiga Manchester City u suurageliyay in ay ku guuleysato horyaalka Qaaradda Yurub UEFA Champions Leugue Kaddib markii darbad xooggan uu shabaqa Inter Milan uu geliyay daqiiqaddii 68aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here