Magacyadii kooxdii hormuudka u aheyd weerarkii Buulamareer oo la shaaciyay iyo Ajnabi ku jira

0
161

Magacyadii kooxdii hormuudka u aheyd weerarkii Buulamareer oo la shaaciyay iyo Ajnabi ku jira

Kooxda Al Shabaab ayaa shaacisay magacyada raggii bilaabay weerarkii bishii hore ku qaadeen saldhigga ciidamada ATMIS, gaar ahaan kuwa ka socda dalka Uganda ku lahaayeen deegaanka Buulamareer ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Weerarka lagu qaaday xerada ciidamada ATMIS ayaa ku bilowday gaadiid laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo xerada albaabkeeda lagu furtay, waxaana gaadiidkaasi tiradooda lagu sheegay ilaa shan gaari oo qaraxyo culus lagu soo buuxiyay.

Muuqaal ay Al Shabaab baahiyeen ayey ku sheegeen in qaraxyada ismiidaaminta ah ay fuliyeen shan nin oo afar kamid ah Soomaali yihiin, halka mid kalana uu yahay ajnabi kasoo jeedo dalka Kenya .

Weerarka is qarxinta ayaana sabab u noqday in Al Shabaab gudaha u galaan xerada ciidamada ATMIS ayna halkaasi ku dilaan tiro aad u badan oo katirsanaa ciidanka ATMIS, waxa ayna Al Shabaab sheegeen in ay dileen 137 askari oo Ugaandhees ah.

Halkan ka Akhriso magacyada ragga is qarxiyay

1-Jacfar Xasan Saciid (Abuu Faatima) Ajani

Nuur Guhaad Bakar (Muniir)
Muxumed Nuur Xuseen (Muusaa)
Axmed Macallin Cabdi (Diini)
Muudey Macallin Xuseen (Qac-qacaa)
Dowladda Uganda ayaa qiratay in weerarka Al Shabaab kusoo qaadeen ciidankooda uu kasoo gaaray khasaaro badan, waxa uuna sheegay madaxweynaha dalkaasi in ciidankooda laga dilay in ka badan 50-askari gaadiidna laga gubay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here